Boqor Diiday In Laga Qaado Dheecaanka Hidasidaha Ee DNA + Sababta.
Qareenada u doodaya Ms Boël ayaa soo dhaweeyay codsiga ku saabsan tijaabada dhacaanka DNA-ga.
Boqorkii hore ee dalka Belgium, Albert II, ayaa ku gacan seyray in laga qaado dhacaanka hiddasidaha DNA-ga, si loo ogaado inuu yahay aabaha gabar dhalatay dabayaaqadii 1960-meeyadii.
Maxkamad uu fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Brusels ayaa boqorkan xilka ka dagay, oo ay da'diisu tahay 84 sano ku amartay inuu muddo 3 bilood gudahood ah ku oggolaado tijaabada calyada DNA-ga looga qaadayo.
Garsoorka ayaa ka digay in haddii uu fulinta amarkaas ku guul darreysto loo fasiran doono inuu isaga yahay aabaha dhalay Delphine Boël, oo hadda 50 sano jir ah.
Albert ayaa inkiray sheegashada ku aaddan inuu dhalay Boël waxaana lagu soo warramayaa inuu hadda raadinayo talo dhinaca sharciga ah oo u sahli karta inuu racfaan qaato.
Qareenada u doodaya Ms Boël ayaa soo dhaweeyay codsiga ku saabsan tijaabada dhacaanka DNA-ga.
Boqorkan ayaa sannadkii 2013-kii shaaciyay inuu howlgab noqonayo, isagoo sheegay iney lasoo darseen xaalado caafimaad darro. Waxa uu xilka ka dagay 21-kii bishii Luulyo ee isla sannadkaas, taasoo ku beegneyd maalinta qaranka ee dalka Belgium.
9-kii bishii Agoosto ee sannadkii 1993-kii ayaa loo dhaariyay inuu noqdo boqorka lixaad ee dalka Belgium. Wuxuu xilka la wareegay ka dib markii uu geeriyooday walaalkiis Boqor Baudouin, oo markaas ay da'diisu ahayd 62 sano.
Ms Boël hooyadeed, oo lagu magacaabo Baroness Sybille de Selys Longchamps, ayaa sheegtay iney xiriir jacayl la lahaan jirtay boqorka.
Muddo 10 sano ka hor ah ayey soo baxday sheegashada ku aaddan in boqorku uu aabe u yahay Ms Boël, arrintaas ayaana fadeexad ku noqotay qoyska boqortooyada.
Warar la isla dhex marayo ayaa sheegaya in arrintani ay ka mid tahay sababaha ku kallifay inuu xilka boqortooyada ka dago.
Sources: BBC Somali
Loading...
Loading...