Somaliland: Gabadh sheegtay in la kufsaday oo Caddaalad Codsatay

0
Friday June 24, 2022 - 08:55:45 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Gabadh sheegtay in la kufsaday oo Caddaalad Codsatay

    Somaliland: Gabadh sheegtay in la kufsaday oo Caddaalad Codsatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland: Gabadh sheegtay in la kufsaday oo Caddaalad Codsatay


Hargeisa(HWN):-Gabadh lagu magacaabo Nimco Jaamac Xasan oo ah 16 sanno jir degan magaalada Caynaba ee Somaliland, ayaa sheegtay in ay kufsadeen askar booliis ah, waxayna dalbatay Caddaalad.



Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxabannaan ee Somaliland, oo saraakiil ka tirsani booqasho ugu tageen gabadha, ayaa lagu sheegay in Nimco ay sheegtay in laba askari oo booliis ahi ay kula kaceen fal kufsi ah.

"Waxay ka cabanaysa in ay fal kufsi ah ay kula kaceen laba nin oo Ciidanka Booliiska J. Somaliland ka tirsan, kuwaasi oo magacyadoodu kala yihiin Xasan Ismaaciil (Gacmo-yare) oo ah taliye qaybeedka degmada Caynabo iyo Mustafe Yuusuf Diiriye (Karaag) oo isna ah askari ka tirsan booliiska".

Xarunta xuquuqal insaanka madaxabannaan, ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqday in cadaalada la horkeeno askarta la eedeeyay, si sharciga loogu qaado.

Hoos ka akhriso warbixinta xarunta oo dhamaystiran:-




Loading...
Loading...