Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay Maandooriye tiro badan
Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay Maandooriye tiro badan
Hargeisa(HWN):-Ciiddanka Booliiska Somaliland ee degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargaysa, ayaa gacanta ku dhigay 419 Littir oo khamri ah, Saddex eedaysane iyo Baabuurkii lagu siday.
Afhayeen u hadlay Ciiddammada Booliska, ayaa sheegay in Ciiddammada Boolisku, Millateriga iyo Shacab iskaashaday ay Maandooriyahan gacanta ku soo dhigeen abaaro 1:00 duhurnimo.
"Shalay oo bishu ahayd 22, saacadu markay ahayd 1:00 duhurnimo, ciidanka booliiska ee saldhiga Maxamed Mooge, taliyaha rugta Digaaale, rag kale oo ciidanka millateriga ka tirsan iyo shacaba, waxay soo qabteen 419 litir oo dry gin iyo saddexdii eedaysane, iyo gaadhigaa land cruiser ka ah".
Ciidanka booliiska ayaa digniin u diray cidkasta oo ku foogan ka ganacsiga maandooriyaha sharcidarada ah, waxayna sheegeen in sharciga lala tiigsan doono cidkasta oo lagu qabto iyaga oo faraha kula jira ka ganacsiga maandooriyaha.
Booliiska Somaliland ayaa dagaal adag kula jira maandooriyaha kala duwan oo si qarsoodi ah Somaliland looga doo galiyo xuduudka Itoobiya iyo waddamada kale ee jaarka. Dagaalka maandooriyaha lagula jiro oo adkaaday awgeed ayay xukuumada Somaliland ku dhawaaqday in ay dhisayso ciidan u gaar ah la dagaalankiisa.
Loading...
Loading...