Midawga Yurub Oo Danjire Cusub U Soo Magacaabay Soomaaliya Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay

0
Tuesday June 04, 2019 - 00:31:48 in News by
  • Visits: 1343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midawga Yurub Oo Danjire Cusub U Soo Magacaabay Soomaaliya Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay

    Midawga Yurub Oo Danjire Cusub U Soo Magacaabay Soomaaliya Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midawga Yurub Oo Danjire Cusub U Soo Magacaabay Soomaaliya Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Midowga Yurub ee loo soo magacaabay Soomaaliya Mudane Nicolás Berlanga Martinez.



Image may contain: 2 people, people standing, suit and indoor

 

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Martinez ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya iyo sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, isaga oo u xaqiijiyay in Dowladdu ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto xil gudashadiisa.


 

Madaxweynaha ayaa danjiraha cusub ee Midowga Yurub uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin Soomaaliya iyo kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dib u dhiska Iyo nabadeynta dalka.

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing, suit and indoor
Image may contain: 2 people, people sitting, suit and indoor

 

Dhankiisa, Danjire Martinez ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Midowga Yurub danjire uga noqdo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoona ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta wadashaqeynta labada dhinac.


 

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Saciid Faqi, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo La-taliyaha Madaxweynaha Mudane Balal Cismaan.


 

DHAMMAAD

Loading...
Loading...