Xukuumada Muuse Biixi Oo Jabisay Balantii Maxkamada Sare Ee Masuuliyiinta Mucaaradka Ka Xidhan

0
Thursday June 23, 2022 - 16:41:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1714
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Muuse Biixi Oo Jabisay Balantii Maxkamada Sare Ee Masuuliyiinta Mucaaradka Ka Xidhan

    "Marka Uu Xaalku Sidaa Yahay Waxa Ay U Muuqataa In Shacabku"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Marka Uu Xaalku Sidaa Yahay Waxa Ay U Muuqataa In Shacabku"

Hargaysa (HWN) MOHAMED Abdillahi Mohamed Cukuse ayaa sheegay inay shakhsiyaad gaar ahi ay wadaan sharci ku tumasho, ay ka dhalan karto ayuu yidhi in ay ka falceliyaan ehelada siyaasiyiintiin dhawaan xukuumada Muuse Biixi xidhay xili uu socday banaan bax nabadeed oo ay qabteen Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay

 

"Cajab,  Waxaa Wali Sii Soconaysa Iska Indhotirkii Iyo Ku Tumashadii Xeerarka Dalka Waxa Maanta Oo Khamiis Ah (23/June/2022) Ay Ku Eekayd Mudadii Loo Qabtay Ee Ay Maxkamadu U Qabatay Policeka Inay Kusoo Celiyaan Maxkamada Maxaaabiistaa Marka Horeba Sida Sharci Daradaa U Xidhan, Balse May Dhicin.

 

Marka Uu Xaalku Sidaa Yahay Waxa Ay U Muuqataa In Shacabka Jamhuuriyada Somaliland Iyo Eheladooda La Doonayo In Lagu Qasbo In Ay Ka Falceliyaan Waxan Dhacaya Balse Waxa Wali Aad Moodaa In Ay Anaga Iyo Shacaka Kale Somaliland Laxejeclo Badani Naga Hayso Oo Anaan Rabin Waxa Markaasi Nalagu Riixayo Inay Dhacaan.

 

Talo: Dadka Waxan Samaynayaa Waxaan U Soo Jeedinaya In Ay Sharciyada Dadka Loogu Talo Galay In Kala  Hagto Ay Kusoo Noqdaan  Heesbaa Odhanjirtay (Malaha Waalagu Sitaa)."MOHAMED ABDILLAHI MOHAMED CUKUSE ayaa qoray.


Loading...
Loading...