Beesha Caalamka Oo Arimaha Doorashooyinka Kala Hadlay Muuse Biixi
Hargeysa-(HWN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta habka maqalka iyo muuqaalka (Video Conference) la yeeshay koob iyo toban (11) mudane oo isugu jira safiiro iyo diblumaasiyiin ka socda beesha caalamka.
Ugu horayna Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu safiirada iyo diblumaasiyiinta la wadaagay xaalada guud ee dalku halka ay marayso haday tahay dhinaca horumarka, nabadgelyada, iskaashiga iyo wadashaqaynta arrimaha mandaqa geeska Afrika.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu safiirada u sheegay halka ay marayso geedi socodka arrimaha doorashooyinka qaranka Somaliland ku soo fool leh, isagoo xusay madaxweynuhu in tallaabooyinkii muhiimka u ahaa hirgelinta doorashooyinku ay bilaabmeen, qaarkoodna dhammaadeen. Sida in ay maxkamada dastuuriga ahi ay go’aamisay in ururadu furan yihiin cidii u horaysay ee arrintaa aqbashayna ay ahayd xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo maxkamada ku hambalyeeyey tallaabadaasi.
Waxa kale oo
madaxweynuhu xusay in markii ay iskood isu casileen komishankii doorashooyinka
qaranku uu waraaqo u diray golaha guurtida iyo xisbiga Waddani kagana dalbaday
inay sida ugu haboon u soo buuxiyaan xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka,
halka xisbiga Ucid uu isagu hore u soo gudbiyey xubintiisa, taasoo ujeedadu
ahayd in looga gudbo wejiga xiga, loogana hortago dib u dhac ku yimaada
arrimaha doorashooyinka, iyaguna ay si degdeg ah uga soo jawaabeen, sidaana
madaxweynuhu ugu gudbiyey golaha wakiilada oo ka gutay waajibaadkoodi shaqo
kuna ogolaaday afar xubnood oo u gudbay Guddida Komishanka Doorashooyinka
Qaranka, halka ay diideen saddex xubnood oo ka mida komishankii cusubaa,
dhawaana la dhamaystiri doono. Waxaana xusid mudan in aqlabiyada golaha
wakiiladu ay ka soo jeedaan xisbiyada mucaaridka ah, balse ay marwalba ka
midaysan yihiin arrimaha Qarannimada iyo jiritaanka Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in si dhakhsaha loo soo dhamaystiri-doono saddexda xubnood ee hadhay ee komishanka, si ay iyagoo dhamaystiran ay u soo bandhigaan nidaamka hirgelinta doorashooyinka, ka xukuumad ahaana ay si buuxda ula shaqayn doonaan si ay inoogu qabsoomaan doorashooyinku.
Dhinacooda safiirada iyo diblumaasiyiintu waxa ay balan qaadeen marka ay soo dhammaadan arrimaha sharci ee doorashooyinka la xidhiidha, lana soo dhamaystiro xubnaha komishanka doorashooyinka inay Somaliland ka taageeri doonaan hirgelinta arrimaha qabsoomida doorashooyinka.
Waxaana madaxweynaha ku wehelinaayey Kulankaasi Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Keyd Maxamuud. Halka dhinaca safiirada iyo diblumaasiyiintuna ay kala ahaayeen:-
1. EU Ambassador Tiina Intelmann, 2. Finnish Ambassador Pirkka Tapiola, 3. French Ambassador Aline Kuster Menager, 4. Swedish Ambassador Per Lindgarde, 5. US Embassy - Carla Benini, Chargé d’affaires, 6. Embassy of Norway - Haakon Svane, Chargé d’affaires, 7. German Embassy – Sascha Kienzle, Deputy Ambassador, 8. Embassy of the Netherlands – Laurie Visser, Deputy Ambassador, 9. British Office Hargeisa – Lizzie Walker, Head of British Office Hargeisa, 10. Embassy of Denmark – Mathias Kjaer, Head of Danida Office Hargeisa iyo 11. Embassy of Canada, Robert Bunbury, First Secretary.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.