Ilahaw Aqoon Daro Ha Igu Cadaabin Eexna Ha Igaga Tagin.
Si fiicanban u dhagaystay xinif iyo gudidii baarlamaanka
Waxanan u qiimaynayaa si ka madhan caadifad xisbi iyo qof jeclaysi
1. Xildhiban tima jilic si fiicanbuu u waydiyay sualo la xidhiidha shaqada hayada barakacayaasha, si fiicana wuu ugu jawaabay.
2. Kadib xildhiban laga soo doorto madheera si fiicanbuu u weydiiyay suaalo la xidhiidha shaqada xinif, HALKAAS WAXA KHALDAMAY XINIF OO SI PROFISIONAL AH UMUU JAWAABIN. maad meelaha kalaba na weydiisid ma reerkiinad na weydiinaysaa, waa khalad, oo xildhibanku dadka uu u hadlayaa waa bulshaduu ku matalo xildhibannimada.
3. Gudomiyaha gudida ayaa weydiiyay sualo iyagana wuu ka jawaabay, in kasta oo la soo dhex galay oo xinif si boodsan u hadlay. Oo Siciid sokeeyaa khaldanaa oo jawabtii oo socota soo dhex galay.
4. Sualaha Mohamed abiib a) suashiisa koowaad saxbay ahayd isagoo shaqale dawladeed ah in aan loo ogolayn inu si weyn uga dhex muuqdo xisbiyada oo hawlbuu qaranka iyo shacabka u hayaa.
B) Suaasha dadka la rarayo ee statehouseka totally Mohamed abiib siduu u weydiiyay khaladbay ahayd, waayo shacabka dawladaa ka masuula haduu statehouse gubto ilahay ha inaga hayee waa isku raran.
Suaasha ciro ayaad shir ka sheegtay waa khalad ee oo waxay u muuqanaysaa inuu af xisbi ku hadlayay oo ta hore ee sharciga ayaa kaga filayd.
C) 2008 kii wuxu Burco ka sameeyay xinif meeshaba may oole waxay u muuqatay in loo soo dhiibay suaashaas.
Ugu dambay Maadaama oo uu xinif yidhi si masuuliyad leh ii dhagayso, ma ahayn in uu Mohamed Abiib ka cadhoodo oo uu bax ku yidhaa. IGA DHAN, EE MA DHINACBAAN RAACAY MISE SI DHEX AH AYAN U FALANQEEYAY.
W/Q: Keyse H. Gabobe
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!