Wasiirka Cadaaladda oo Furay kulan lagaga arrinsanayo Xeer Dhawaan u gudbay Golaha Wasiirrada

0
Thursday June 23, 2022 - 08:50:07 in News by A. Asbaro
  • Visits: 599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Cadaaladda oo Furay kulan lagaga arrinsanayo Xeer Dhawaan u gudbay Golaha Wasiirrada

    Wasiirka Cadaaladda oo Furay kulan lagaga arrinsanayo Xeer Dhawaan u gudbay Golaha Wasiirrada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Cadaaladda oo Furay kulan lagaga arrinsanayo Xeer Dhawaan u gudbay Golaha Wasiirrada



Hargeisa(HWN):-Wasiirka wasaaradda cadaaladda Somaliland, mudane Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa furay shir lagaga arrinsanayay qabyo qoraalka xeerka adeega kaalmada sharci, oo dhawaan loo gudbiyay golaha wasiirada.


Kulankan oo ay ka soo qayb galeen ururka qareenada, saraakiisha ciidanka asluubta, xubno ka tirsan guddida ruqsad bixinta iyo anshaxmarinta qareenada iyo ururada bulshada rayidka ah.

Haddaba intii uu shirkani socday waxa warbixin la xidhiidha wixii qabsoomay muddadii saddexda bilood ahayd iyo caqabadihii ka hor yimid bixiyayaasha adeega kaalmo agaasimaha waaxda marin u helidda cadaaladda iyo mihnadlayaasha sharci Muxiyadiin Maxamed Cabdi, oo sheegay in wax badani u qabsoomeen waxna ay qabyo yihiin, balse loo baahan yahay in wixii qaybyo ah qorshe laga yeesho sidii wax ka qabashadeeda loo dardargelinlahaa.

Shirkan ayaa ah mid saddexdii biloodba hal mar ay isugu yimaadaan daneeyayaasha arrimaha adeega kaalmo sharci.

Loading...
Loading...