Ma Booliskaan Danbi U Aqoonin Falalka Noocana, Mise War baaney Ka Haynin Xaaladahan Dhaqan Xunmada ah, Ee Bulshada Lagu Dhex Faa'finayo.

0
Thursday June 23, 2022 - 08:49:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Booliskaan Danbi U Aqoonin Falalka Noocana, Mise War baaney Ka Haynin Xaaladahan Dhaqan Xunmada ah, Ee Bulshada Lagu Dhex Faa'finayo.

    Garyaqaan. Yuusuf Biixi"Talasame"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garyaqaan. Yuusuf Biixi"Talasame"

Sidaynu ka warqabno dhawaanahan waxaa inagu soo badanaya dhaqano xun oo kala gadisan isla markaana baraha bulshada laynagula wadaagayo, ama lagu faafinayo waxaanan ka xusi karaa dhawaan inan dhalinyaro ah iyo asxaabteeda ayaa bulshad la wadaagay dareeno dhiilo leh oo dadkoo dhana wada damaqday, balse aanay waxba ka jirin xanuunka iyo dhibka ay inala wadaagtay oo aan ka ahayn in ay hanti ku urursanayeen, talaaboyinka noocan ahna waxuu xeerku u yaqaanaa danbi ciqaab lagu mutaysto, qofkasta oo baahi beena ku dawarsada iyo cidii kala qaybqaadataba xeerka ciqaabta guud wuu ciqaabayaa, waxaanuu odhanayaa isagoo faahfaahsan sida ku cad Qodobada.



Qodobka 523

Kaalmo Raadis / Dewersi

1. Qofkasta oo aan ahayn qof ku sugan xaalad baahiyeed culus oo meel fagaare ah ama meel si caam ah u furan ka dewarsada waxaa lagu ciqaabayaa xarig ilaa Saddex bilood ah.

2. Ciqaabtu waxay noqonaysaa xarig Hal bil ilaa Lix bilood ah marka :-

a) Falka lagu galo qaab naxdin leh ama werwer leh

b) Uu qofku iska dhigo qof dhiman xis ahaan ama xanuun qaba.

c) Uu adeegsado hab khiyaamaysan oo dareenka dadka kale kicinaysa.


Sidaas darteed xaaladaha noocani waxay halis ku yihiin oo ay meesha kasaarayaan in qofkii ay runta ka ahayd ee duruufan qabay ee caawimaadka heli lahaa in dadkii muxsiniinta ahaa ay ka aamin baxaan oo aan laysku naxariisan oo la kala garanwaayo qofkii ay run ka tahay iyo ka been ka sheeganaya ee dhaqaale ku urursanaya, waana sababta xeerku ciqaabta u jideeyey si aan dhaqankii iyo diintii looga weecan, waxaana muhiim ah in ciidamadu waajibaadkooda sharci ay ka gutaan falalka noocan oo kale ah ee bulshada lagu dhaqan doorinayo.


Fiiro gaar ah:

Qoraalkaygan ujeedkiisu maaha inaan jeclaysanayo dad la xidho balse waxaan dareemay laba warbixinood oo midna aan aad uga naxay xaalada ay sheeganaysay halka midka kalena ay ku beeninaysay inaanay wax xanuun ah qabin, isla markiibana waxaan xasuustay in xeerku uu talaabo ka qaadayo si aan dadkii xaaladaha noocana ku sugnaa aan looga aaminkabixin oo aan laysku caawinwaayin waa in sharciga laga abaalmariyaa dadka sidan khaldan dhaqaalaha ku doonaya.


Xaqsoore Waa alle

Garyaqaan. Yuusuf Biixi"Talasame"

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...