Wasiir-ku-xigeen Wasaaradda Uu Joogaba Aan Waxba Laga Waydiin Oo Saamayn Ka Raadinnaaya Mucaaridka

0
Thursday June 23, 2022 - 00:02:45 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir-ku-xigeen Wasaaradda Uu Joogaba Aan Waxba Laga Waydiin Oo Saamayn Ka Raadinnaaya Mucaaridka

    Wasiir-ku-xigeen Wasaaradda Uu Joogaba Aan Waxba Laga Waydiin Oo Saamayn Ka Raadinnaaya Mucaaridka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir-ku-xigeen Wasaaradda Uu Joogaba Aan Waxba Laga Waydiin Oo Saamayn Ka Raadinnaaya Mucaaridka



Hargeisa(HWN):-Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka Somailand Liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa la hadlay sharciyadda furista urrurada siyaadda Somaliland, waxaanu sheegay in dastuurka dalka Somaliland uu jidaynayo in tobankii sannadood ba mar la furo oo lagu soo tartamo urruro siyaasadeed.


Wasiir ku-xigeenkani waxa uu saamayn siyaasaddeed ka raaddinayaa Xisbiyadda mucaaridka ah, kadib markii uu wax maamul ah, talo ah, ogaysiis ah ama saamayn siyaasaddeed ah ku yeelan waayay Wasaaraddii Caafimaadka ee uu wasiir ku-xigeenka uu ka ahaa, taasoo noqotay meel uu kaligii ku ammartaagleeyo Hassan Gaafaadhi.

Wasiir ku-xigeenkan waxa uu ka hadlay furrista ururrada siyaasadda iyo arrimo khuseeya Xisbiyadda mucaaridka Somaliland, waxaase labaddaas uu ka hadlay ka horraysa innuu iswaydiiyo mataaladdii Kursiga uu ku fadhiyo siddii ay ahayd ma uga soo baxay, waxa ka socda Wasaaradda Caafimadka doorkiisii maka qaatay, go'aannada ka soo baxa Wasaaraddaas muxuu ku leeyahay?
Wasiir ku xigaanka caafimaadka oo qoraal barahiisa bulshada lagu baahiyey gudoomiyaha wadani ku tilmaamay mid madmadow galinaya madax banaanida Jamuuriyada Somalinad - Wargeyska Dawan
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka Somailand Liibaan Yuusuf Gaaxnuug waxa kale oo uu sheegay in go’aanka guddida diwaangelinta ururada siyaasadda Somaliland ee shaacinta muddada la bilaabayo diwaangelinta ururadu uu muujinayo in uu hirgalay qodob dastuuri ah, isla markaana ciddii danaynaysaa ay u diryaar garoobaan ka qayb-qaadashada tartankaasi.

Wasiir ku xigeenka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "In ururada la furo xeer baa jidaynaya, tobankii sannaba waxaa inoo xeer ah in la furo ururada si muwadininta hanka lehi ay ugu tartamaan, nidaam dheer ayay soo martay, waxaana isku raacay baarlamaankii, maxkamaddii, fulintii iyo dadkii danaynayay in ay ka qayb qaataan tartanka doorashada ururada siyaasadda.

Markaa in diwaangelintii ururada la bilaabay waxay ka dhigantahay in xeerkaasi fulay oo ay dadku u diyaar garoobaan doorashadii ururada. Axsaabta mucaaridka ahi qaylo iyo sawaxan ayay arrintaa ka muujiyeen mana jirto dood sharci ah oo ay arrintaasi kaga hor imanayaam. Gaar ahaan xisbiga Waddani doodiisu waa mid ku salaysan caadifad iyo hammuun kursi.”

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka JSL Liibaan Yuusuf Gaaxnuug waxa uu intaasi ku daray "Inta badan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani doodiisu waa hammuun kursi jacayl oo ah labada doorasho ha soo horayso ta madaxtooyadu. Runtii arbush iyo fitan badan ayaa jira oo ay doonayaan in lagu hakiyo fursadaa ay shacabka Somaliland xaq u leeyihiin oo ay doonayaan in ay lagu joojiyo furista ururada. Qolada Wadani waxa imika u hadhay uun in ay Shir-jaraaid qabtaan oo ay yidhaahdaan karti aanu ku tartano ma haynee Cabdiraxmaan Cirro ha laga dhigo Madaxweyne”

Loading...
Loading...