Sool: Garaad Jaamac oo ka Hadlay Dilalka ka Dhaca Laascaanood

0
Wednesday June 22, 2022 - 23:46:47 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sool: Garaad Jaamac oo ka Hadlay Dilalka ka Dhaca Laascaanood

    Sool: Garaad Jaamac oo ka Hadlay Dilalka ka Dhaca Laascaanood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sool: Garaad Jaamac oo ka Hadlay Dilalka ka Dhaca Laascaanood



Hargeisa(HWN):-Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, ayaa ka hadlay dilkii habeen hore gudaha magaalada Laascaanood loogu gaystay Marxuum Maxamed Axmed Faarax (Aflahaar), oo ahaa guddoomiyihii xisbiga UCID ee ee gobolka Sool, oo ay dablay hubaysani dileen.


Garaad Ismaaciil, ayaa bulshada reer Laascaanood ugu baaqay inay dib talo isugu noqdaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan sugidda Amniga magaalada Laascaanood, ee aanay weer cad xidhan maalinta ay wax dhacaan.

Waxa uu sheegay inay dilalkii kala danbeeyay ee ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ay ku maqan yihiin Haldoorkii, Waxgaradkii iyo Birmageydadii deegaanka.
Laascaanood: Daawo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Baaq U Diray Beelo Dagaalamay.

Guddoomiyaha Aflahaar oo hore u soo noqday Xubin ka tirsan golihii hore ee deegaanka Laascaanood, ayaa u dhintay Xabado ay ku fureen dablay hubaysan oo beegsaday xilli uu siigalaayay gurigiisa uu ka daganaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Iyadoo ay kooxo aan la aqoonsanin ugaadhsi ku hayaan masuuliyiinta Xisbiyada iyo Xukuumadda ee gobolka Sool, ayaa waxa ugu danbeeyay Cabdirisaaq Axmed Cilmi "Cabdirisaaq Cardoofe” oo ka mid ahaa xildhibaanada golaha degaanka Degmada Laascaanood, oo 11 September, 2021 sidan oo kale loo beegsaday.

Garaad Jaamac isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi."Marxuum Maxamed Aflahaar oo ahaa haldoorkii gobolka Sool, magaalada Laascaanood, geeridii naxdinta badnayd ee dalka iyo degaanba ka dhacday, marxuumka oo ahaa nin wanaagsan, gacan ka xaqdarinana ay dishay, ILLAAHEY waxaan uga baryayna in uu naxariistii jano ka waraabiyo.

Reer Laascaanood waynu is ognahay in badan ayaan ka hadlay dilkan soo noq-noqonaaya, balse waxa la yidhi ruqa Ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo, reer Laascaanood haddii aydaan sidan wax ka baddelin oo taladiina aydaan wax ka badalin, marka ay wax dhacaan weer-cad ayaad xidhataan oo waxa aad tidhaahdaan aan wax qabano markii wax la qabtana kuwa kale ayaa intay garab ordan wax khariiba sidaasi hadaad jeclaateen ilaa sheekhiini ayaa ku maqane ku jira.

Haddii kalena dad Qaran ah oo degaan ah oo balaadhan ayaad tihiine dib hala isugu noqdo, oo magaalada taladeedii iyo Amnigeedii halaga shaqeeyo,”

Inkasta oo xukuumadda Somaliland qaaday dadaalo lagu sugayo nabada magaalada Laascaanood sannadihii u danbeeyay, haddana waxaa muuqata in wali loo maaro la'a yahay dilalka lagu beegsanayo haldoorka reer Laascaanood.

Kooxahan oo badana dilalka gaysta xili habeen ah, ayaa isla markiiba goobta ka carara markay dilka gaystaan, lamana soo qabto.

Loading...
Loading...