Maxaa Ka Jira In Waftigii Madaxwayanah Somaliya Ee Imaaraadka La Karantiilay?

0
Wednesday June 22, 2022 - 19:23:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In Waftigii Madaxwayanah Somaliya Ee Imaaraadka La Karantiilay?

    "Booqashada Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba maalin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Booqashada Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba maalin"

Qaar ka mid ah waftigii ku wehliyay madaxweynaha Soomaaliya safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo marlkii la doortay bishii la soo dhaafay ayaa la sheegay in Imaaraadka Carabta lagu geliyay karantiil.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axaddii u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta.



Booqashada Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa horay loo sheegay inay qaadan doonta laba maalin balse muddo ka badan ayuu haatan maqan yahay waxayna taasi hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada ee Soomaalida.

Waxay dadku is weydiinayeen halka uu intaan madaxweynaha ku maqan yahay.


BBC-da ayaa la xiriirtay ilo wareedyo ka agdhow madaxweynaha waxayna xaqiijiyeen in qaar ka mid ah wefdigii la socday madaxweynaha laga helay xanuunka faysarka corona.


Waxay BBC-da u xaqiijiyeen in madaxweynaha uu haatan caafimaad qabo laakin sababo la xiriira xanuunka laga helay qaar ka mid ah wefdigiisa ay sababtay in dib loo dhigo kulamadii uu la haa hogaanka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

Loading...
Loading...