Xubin Cusub Oo Ka Mid Noqonaysa Golaha Guurtida SLAND Oo La Dhaariyay

0
Wednesday June 22, 2022 - 19:01:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubin Cusub Oo Ka Mid Noqonaysa Golaha Guurtida SLAND Oo La Dhaariyay

    "Xubinta la dhaariyay ayaa buuxisay, jago uu dhawaan banneeyay, mudane Cawil Xuseen Axmed"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xubinta la dhaariyay ayaa buuxisay, jago uu dhawaan banneeyay, mudane Cawil Xuseen Axmed"

Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta dhaariyay Ibraahim Cawil Xuseen Axmed, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha golaha Guurtida JSL.



Xubinta la dhaariyay ayaa buuxisay, jago uu dhawaan banneeyay, mudane Cawil Xuseen Axmed, taasi oo golaha Guurtidu ay Maxkamadda Sare u soo gudbiyeen, codsi ay ku dalbanayaan in xilkaasi loo dhaariyo, Ibraahim Cawil Xuseen Axmed, si uu u buuxiyo jagada banaanaatay.


Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

Loading...
Loading...