Faallo-Hassan Gaafaadhow:-Hawo Nimay Fogaysaba dan baa hoos u soo celin!

0
Wednesday June 22, 2022 - 14:10:38 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo-Hassan Gaafaadhow:-Hawo Nimay Fogaysaba dan baa hoos u soo celin!

    Faallo-Hassan Gaafaadhow:-Hawo Nimay Fogaysaba dan baa hoos u soo celin!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo-Hassan Gaafaadhow:-Hawo Nimay Fogaysaba dan baa hoos u soo celin!

Hargeisa(HWN):-Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo uu Wasiir ka yahay Xasan Gaafaadhi, Wasiir ku-xigeennkuna uu yahay Liibaan Yuusuf, halka Agaasimaha guudna uu yahay Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa dhammaantood waxay u xuubsiibteen dulmiga iyo tacaddiga Shaqaale-weynaha Wasaaraddaas, iyagoo gacan bidixeeya Boosaska ay magacaabayaan, isla markaanna aan wax tixgelin ah siinin qofka shaqaalaha ah ee Xirfaddiisa ugu adeegga shacabkiisa.
Wasiirka Qorshaynta Xasan Gaafaadhi Oo Ka Hadlay Qoondada SDF Ee La Soo Bandhigay - Geeska Afrika Newspaper


Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan Gaafaadhi waa qofka ugu horreeya ee caadaystay ku tumashadda Xuquuqda Shaqaalaha, isla markaanna waxa uu sameeyaa magacaabis ku salaysan qof jaclaysi, eex iyo musuqmaasuq.

Qaar ka mida Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda Caafimaadka oo aannu marar kala duwan Xaaladdahoodda kala sheekaysanay waxay noo sheegeen in Xasan Gaafaadhi uu yahay qof si arxan-darro ah ula macaamila Shaqaalaha, isla markaanna uu yahay ruux ka arradan Masuuliyadda ummaddeed ee loo igmadday.

Wasiir Gaafaadhi waxa cad oo aan qarsoonayn inuu magacaabista marka uu samaynaayo inuu cid ku raalli-geliyo, isagoo aan eeggin wax ihtimaam ahna aannu siinin ruuxa uu tacadiga u gaysannaayo, taasoo ah arrin ka hor imanaysa Qawaaniinta dalka iyo Xeerka Shaqaalaha ee somaliland.

Xildhibaannada golaha Wakiillada waa Mudaneyaal firfircoon oo shaqaddii aqalkaas dardar-geliyay, markaa waxaan u soo jeeddin lahaa inay u yeedhaan Hassan Gaafaadhiga Wasaaraddii Caafimaadka ka dhigtay aqal uu leeyahay, waa in la waydiiyaa waxa uu ku qabto Qoondada miisaaniyaddeed ee sanadkasta la siiyo, waa in la waydiiyaa Tacaddiga iyo Dulmiga uu ku hayo Shaqaalaha Wasaaraddaas, eexda iyo qof jeclaysiga uu maalin kasta qallinkiisa ku saxeexo, waa in la waydiiyaa sababta uu Wasaaraddii Caafimaadka uga dhigay meel yar oo ku shaqaysa jacaylkiisa iyo nacaybkiisa, waa in la waydiiyaa Musuqmaasuqa iyo Xooyadda qaran ee uu ku kacay mudadii uu ku ammartaaglaynaayay Kursiga Wasiirnimo ee uu ku fadhiyo.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxaannu u soo jeeddinaynaa Madaxweyne ummaddu waa talo ku noolle in badan dhagayso tallooyinka, tabashooyinka iyo darreenka shacabkaaga, haddaad intaas Madaxweyne fahamto waxaad si sahlan gacanta ugu dhigaysaa kalsooniddii shacabkaaga. Md. Madaxweyne, Xukuumaddaada yay ku abtirsan Wasiirradda fashilmay sida Gaafaadhiga aad Caafimaadka ku ilowday oo kale. Madaxweyne, Wasiirka taariikhdaada masaxaaya, ee sawirka qaldan ka bixinnaaya Waxqabadka Xukuumaddaada ummadda haku eeggan ee qun-yar waxaad tidhaahdaa "Gafanow duco-qabe Wasaaradda Caafimaadka inaad xidho kuuma keenine Xilku waa meerto'e addeerow bannee.

La SOCO Ilaa 13-ka November Oday Gaafaadhiga berrigii....

Loading...
Loading...