Agaasimaha guud ee caafimaadka oo gacan bidixeeyay mashruuc ay Somaliland ka caawisay Dowladda Finland

0
Wednesday June 22, 2022 - 14:01:58 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1059
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha guud ee caafimaadka oo gacan bidixeeyay mashruuc ay Somaliland ka caawisay Dowladda Finland

    Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka oo gacan bidixeeyay mashruuc ay Somaliland ka caawisay Dowladda Finland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka oo gacan bidixeeyay mashruuc ay Somaliland ka caawisay Dowladda Finland



Hargeisa(HWN):-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa si ka baxsan nidaamka dawladnimada u gacan bidixeeyay cidda ka shaqnay doonta boos cusub oo ka soo baxa mashruuc MIDA finsom project ee ay inaga caawiso dowladda Finland iyada oo soo marinaysa hay’adda caalamig ah ee IOM.
Somaliland Oo Wakhti Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dhaceen Hawl Galisay Qalabkii Lagu Baadhayey Coronavirus.


Mashruucan oo markii u horraysay ka billaabmay wasaaradda caafimaad JSL sannadkii 2017 waxa uu dhammaaday 2020, waxa ku qornayd gabadh dhalinyaro ah ka tirsan wasaaradda caafimaadka deegaan ahaana ka soo jeeda degmada Sallexlay amma koonfurta Hargeysa.

Haddaba mashruucan oo mar kale dib uga billaamay Somaliland sannadkan 2022-ka ayuu agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Cabdi Xergeeye ku takrifalay maamulkiisa iyo Cidda ka shaqnay doonta boos cusub oo ka soo baxa mashruuc MIDA finsom project ee ay inag caawiso dowlada Finland (Monitoring and Evaluation), waxaanu si cad ugu sheegay shaqaalaha wasaaradda caafimaadka oo doonayay inay u si cadaalad ah ugu tartamaan in qof madaxtooyadda laga soo diray uu ku qorayo booskan cusub ee soo baxay taas oo ay ka biyo diideen shaqaalihii doonayay inay u tartamaan.

Mashruucan waxa loo gu tallo-galay in lageeyow dhakhaatiir khibradood sarrayso cisbitaalada dalka si sare loogu qaado adeegyada caafimaad ee Cisbitaaladdaasi.

Loading...
Loading...