Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Muqdisho

0
Wednesday June 22, 2022 - 11:18:47 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 852
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Muqdisho

    Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo si kooban warbaahinta....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo si kooban warbaahinta....


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay dhowr maalmood uu ugu maqnaa magalada Nairobi ee dalka Kenya.



Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugnaa Kenya kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Safaarada iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqanka dalkaas, isagoona kala hadlay xaaladda Soomaalida ee dalkaas kunool.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa uga mahadnaqay dhammaan intii soo dhoweysay, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho dib ugu soo laabto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka iyo xubno kale.
Loading...
Loading...