Maalqabeenka adduunka oo ay gabadhiisa xiriirka u jartay

0
Wednesday June 22, 2022 - 10:05:24 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalqabeenka adduunka oo ay gabadhiisa xiriirka u jartay

    Codsiga magaca beddelka iyo warqadeeda dhalashada ayaa laga xareeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Codsiga magaca beddelka iyo warqadeeda dhalashada ayaa laga xareeyay




Gabadha uu dhalay Elon Musk oo ah maalqabeenka addunka ayaa codsatay in ay si sharci ah u beddesho magaceeda iyo jinsigeeda, iyada oo sheegtay in aanay doonayn in ay "Marnaba la xiriirto aabaheed".


Gabadhan oo 18 jir ah ayaa codsatay in loo aqoonsado inay dumar tahay, waxaana magaceeda lagu sheegay Vivian Jenna Wilson. Waxaa markii hore loo yaqaanay Xavier Alexander Musk.


Codsiga magaca beddelka iyo warqadeeda dhalashada ayaa laga xareeyay Maxkamadda Sare ee Degmada Los Angeles ee Santa Monica.


Codsigeeda waxa lagu dhejiyay dukumeenti maxkamadeed oo la xareeyay bishii Abriil, kuwaas oo dhawaan uun soo shaac baxay.


Faah faahin dheeri ah lagama hayo khilaafka muuqda ee u dhexeeya gabadha Mr Musk iyo aabaheed.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Mr Musk oo ku saabsan go'aanka gabadhiisa ay isaga fogeysay.


Waxa uu aad uga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan jinsiga, waxaana lagu tilmaamay inuu ka soo horjeedo dadka isku jinsiga ah.

bbc/somali

Loading...
Loading...