Ugaaska Guud ee beelaha Somaliland Oo Shucuubta Islaamka Ku Hambalyeey Ciidul Fidriga.
Hargaysa(HWN)Ugaaska Guud ee beelaha Somaliland Ugaas Axmed Maxamed Siciid ayaa shucuubta islaamka siiba shacabka somalida siiba shacabka somaliland iyo shucuubta islaamka Hambalyo u diray munaasibada Ciidul Fidiriga Owgeed, waxaanu ugaasku yidhi "Milgo iyo Maamuus weyn ayey ii tahay in aan munaasibadda Ciidul Fidiriga Owgeed halkan uga jeediyo hambalyo iyo bogaadin dhammaan Shacbi-weynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan.
Si gaar ah, waxaan tahniyad ugu dirayaa Ciidammada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, Goleyaasha Qaranka, Culimo-aw-Diinka, Madax-dhaqameedka, Madaxda Xisbiyada Qaranka, Bahda Waxbarashada, Bahda Garsoorka, Ururada Bulshada, Dhalinyarada iyo Haweenka laf-dhabarka u ah nabadda iyo nolosha dalkan iyo madaxwaynaha somaliland.
Waxaan leeyahay Mudanayaal iyo Marwooyin, ku ciida ciid wanaagsan, nabad iyo caano ku ciida ( Kullu-caam wa antum bikhayr ), ciiddan ciiddeeda kale ILAAHAY ha inagu gaadhsiiyo bed-qab, bash-bash iyo barwaaqo.
Duco-qabayaal
Maalintani waa maalin qiimo weyn ku leh ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan.
Sidaa darteed, waxa habboon inaynu ummad ahaan la wadaagno farxadda iyo rayn-raynta ciidda barakaysan ee Eebbe inoo jideeyey.
Haddaba, si aynu u helno deeq iyo danbi-dhaaf Alle, waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada iyo wada jirkeena.
Waxa inagu waajib ah, inaynu dhammaanteen isu-uursamaanno, isna saamaxno.
Waxa inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqonno, iskana cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay.
Waxaan ILAAHAY ka
baryayaa inuu inaga aqbalo acmaashii suubanayd ee aynu samaynay maalmahan
khayrka badan”. Waxanan u ducaynayaa
inta bukhta ee xaalad caafimaad u jiifta, awoodina wayday inay inala ciidaan
maalintan qiimaha badan, waxanan Alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana
siiyo kana dulqaado xanuunka, Aamiin Aamiinintii, Intii dhimatayna waxan Alle
uga baryayaa inuu u dambi dhaafo una naxariisto.
Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin Aamiin