Khaladaadkii Iiga Muuqaday Kulankii Guddidan Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Gud. Xinif

0
Tuesday June 21, 2022 - 16:51:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khaladaadkii Iiga Muuqaday Kulankii Guddidan Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Gud. Xinif

    Garyaqaan. Yuusuf Biixi"Talasame"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garyaqaan. Yuusuf Biixi"Talasame"

Guddidan Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Gudoomiyaha barakacayaasha Kulankooda Waxaa iiga Soo baxay Sadexdan Qodob oo aan u arkay khaladaadkii iiga Muuqday, waana sidatan.



1. Masuuliyada Kowaad Ee Hogaaminta Kulanku Waxay saarantahay gudoomiyaha guddida, Isagaana leh awooda dajinta iyo habsami u saocdka kulanka si kulanku u noqdo mid midhadhala bulshadaduna ka faa,iido.


Balse waxaa xusid mudan in kulanka uu hogaamin kariwaayay amaba xakamayn kariwaayay gudomiyaha guddidu isla markaana waxa uu ku guuldaraystay inuu xadido dulucda kulanka  ee kucad waajibaadka guddida dabagalka hantida qaranka, sidaasna waxaa masuuliyada kowaad ee khaladkan inuu leeyahay uu iigula muuqday inuu gudomiyuhu.


2. Gudomiyaha barakacayaasha waxaa masuuliyad ka saarnayd inuu soo ajiibo yeedhmada gollaha isla markaana uu usoo diyaar garoobo oo uu gollaha hor yimaado waanuu hor yimid,


Balse waxaa xusid mudan in gudomiyuhu uu u muuqday inuu usoo diyaar garoobay sidii uu iskaga celinlahaa xildhibaan Maxamed Abiib oo uu ku sii buuxay marka horeba,


3. Xildhibaan maxamed abiib iyo guud ahaan guddidaba waxa saarnayd masuuliyada ah sidii uu xog uga heli lahaayeen haayadan barakacayaasha isla markaana, waxii ay khaladaad ku arkaan ay ula wadaagi lahaayeen gollawaynaha,


Balse nasiib daro waxaa muuqatay inaanay marka horeba aanay darsin, haayadan iyo hantideedaba  waxaanuu si toosa u shaqsi abaaray gudomiyaha  madama aanuu haynin xogo uu kula xisaabtamo,  isla markaana aanay gudoomiyaha ka dhagaysan wax warbixin ah oo uu u sheegay, sababtoo ah hadii ay hayn lahaayeen xogo ay waydiiyaan oo qaranka wax uga taraya mabay haleeleen su,aalaha shakhsiga ah iyo muranka madhalayska ah.


Isku soo wada duuboo waa muhiim isla xisaabtanka iyo isku dheeli tirnaanta awoodaha qaranku, muhiimadu waa in miyirqab iyo caadifad la,aan laguwada xisaabtamo, Waxaanan halkan idiinku soo koobay intii alle iga garansiiyay qiimaynta kulankan maanta iyo khaladaadka intii daahirka ahayd ee aynu dawanay.


Xaqsoore Waa Alle

Garyaqaan. Yuusuf Biixi"Talasame"

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...