Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Musharax Aqoonyahan C/qaadir Jaamac Ismaaciil (Dacar) Oo U Sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka Togdheer

0
Monday June 03, 2019 - 16:48:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Musharax Aqoonyahan C/qaadir Jaamac Ismaaciil (Dacar) Oo U Sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka Togdheer

    Waxan Halkan Hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa Musharax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan Halkan Hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa Musharax

Aqoonyahan C/qaadir Jaamac Ismaaciil (Dacar) oo horaantii 2016 ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan isla markaasina u tartamaayo Doorashada Golaha Wakiilada ee dhawaanta lagu wado inay dalka ka qabsoonto, gaar ahaan Golaha Wakiilada ee Gobolka Togdheer .



Musharax Aqoonyahan C/qaadir Jaamac Ismaaciil (Dacar) oo kamida Aqoonyahanka dalka dibadiisa ku nool isla markaasina kamida , dhalinyarada fara ku-tiriska ah ee Alle hibada u siiyey karaamada iyo sharafta hogaamiyenimada ah ee loo dhasho, isla markaana kamida hantida gaarka ah ee Gobolka Togdheer ka sugaayo inay hiil uga noqdaan heeryada maamul-xumo iyo musuq-maasuqa bariinsaday ee uu baday Golaha Wakiilada mudada dheer sharcidarada iskaga fadhiyey.


Musharax Aqoonyahan C/qaadir Jaamac Ismaaciil (Dacar) oo ku caana sharaf iyo karaamo shaqsiyadeed iyo hal adayga daacadnimo ku dheehantay ayaa bulshadu aad ugu diiraadeen markii uu soo gaadhay warka sheegaya inuu u taaganyey doorasha soo socota ee Golaha Wakiilada Gobolka Togdheer ,


Musharax Aqoonyahan C/qaadir Jaamac Ismaaciil (Dacar) oo maalmihii ugu danbeeyey xaflado iyo kulamo mugle oo lagu taageeraayo loogu qabtay, deegaano badan oo ka tirsan gobolka Togdheer ayaa si miisaanle bulshadu ugu muujisay sida ay ugu niyadsan tahay musharaxnimadiisa, iyagoo isla markaadina la garab istaagay cudud taageero oo ka turjumaysa miisaankiisa siyaasadeed


Guntii iyo gabagabadii waxan maqaalkaygan kusoo af-meerayaa Musharax Aqoonyahan C/qaadir Jaamac Ismaaciil (Dacar) Baahi Weyn bay bulshada Gobolka Togdheer u qabaan inuu kusoo biiro Xildhibaanada ku matalaaya Golaha Wakiilada,waanu ku guulaysanayaa insha alaah hankiisaas iyo himiladiisaas Siyaasadeed ee uu isu soo taagay.


Allaa Mahadleh

Mustafe Cumar Nuur

Burco/Somaliland

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...