Xisbiga WADDANI Oo Ku Hanjabay In Ay Mudaharaaddadii Dib U Istaadhayaan

0
Monday June 20, 2022 - 15:18:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga WADDANI Oo Ku Hanjabay In Ay Mudaharaaddadii Dib U Istaadhayaan

    "Dhammaantood intuba waxa ay u xidhnaayeen arrimo siyaasadeed"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhammaantood intuba waxa ay u xidhnaayeen arrimo siyaasadeed"
Hargeysa,  (HWN)- Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI Md. Maxamuud Aadan Jaamac Galaal ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladda masuuliyiinta Xisbiyada mucaaradka ah ee shalay suabx la keenay Maxkamadda gobolka Maroodijeex isaga oo ka hadlay eedaha masuuliyiintaasi loo haysto sidoo kalena sheegay in xisbiyada Mucaaridka ahi ku baaqi doonaan mudaharaadyo waaweyn oo dalka oo dhan ka dhaca haddii aanay xukuumaddu si degdeg ah u soo daynin maxaabiistaasi.




Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI Md. Maxamuud Aadan Jaamac Galaaloo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu yidhi: "Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Maroodi Jeex waxaa saaka (Shalay) la keenay 14 qof oo xidhnaa illaa Sagaalkii Bishan June, kuwaasi oo ciidamada ammaanku ku qabteen Mudaharaadkii salmiga ahaa ee ay xisbiyada Mucaaridku soo abaabuleen. 12 Xubnood waxa ay ka mid yihiin axsaabta Mucaaridka ah, kuwaasi oo Iyana sii kala ah 11 xubnood oo madaxdii xisbiga WADDANI ka mid ah iyo halka xubin ee kale oo ah Xoghayihii Warfaafinta xisbiga Mucaaridka ah ee UCID. Halka labada xubnood ee kale ay yihiin wariyayaal saxaafadda ka hawl gala. Waxa aad ogtihiin in muddoba ay soo badanayeen xadhiga siyaasiga ah. Xataa ka warbaahinta la xidhaa waa xadhig siyaasi ah. 14-kaa xubnood iyo Afar xubnood oo kale oo maanta la sii daayay oo shacab ahaa oo lagu qabqabtay mudaharaadkaasi. Siddeed kale oo wali saldhigyada ku xidhan. Dhammaantood intuba waxa ay u xidhnaayeen arrimo siyaasadeed. Waxa ayaan darro ah in dastuurkii iyo qawaaniintii dalkan u yaallay xukuumaddu ku tumanayso. Qodobka 27aad ee Dastuurka Somaliland waxa uu dammaanad qaadayaa qofka muwaadinka ah ee la xidho ee la qabtaa in uu 48 saacadood gudahood xaq u leeyahay in maxkamad la hor keeno. Lana sheego waxa lagu eedaynayo oo markaa dacwad lagu soo oogo. Taasi ma aanay dhicin oo khamiistaa khamiisteedii hore ayaa la xidhay sida qodobka 24aad ee Dastuurku sheegayo waxa loo gaystay jidh dil iyo dhaawacyo masuuliyiintaasi iyo shacabkaba. Waxa loo diiday in ay dhakhaatiir arkaan qaar xanuusanayay. Daawooyinkoodii baa loo diiday illaa shalayna (Dorraad) qareenadoodii may arag. Xadhiga siyaasiga ahi dhibaatada uu leeyahay 31-kii sannadood ee Somaliland jirtay marka laga jaro afarta sano iyo badhka uu Madaxweyne Muuse Biixi joogay talada dalka Somaliland waxa ay ku lahayd dunida sumcad wanaagsan. Waxa ayaan darro ah Madaxweynahan (Muuse) in Lixdii bilood ee ugu dambeeyey in uu burburiyey sumcaddii iyo wixii ay intaasiba Somaliland ka soo shaqaynaysay uu ku dilo oo uu doonayo in uu kursiga ku sii fadhiyo. Waxa aanu xukuumadda cod dheer ugu baaqaynaa in 14-kaa xubnood iyo kuwa saldhigyada ku xigan oo lagu sheegay in ay siddeed dhan yihiin dhammaantood la sii daayo”.


Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI Md. Maxamuud Aadan Jaamac Galaal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: "Waxa saaka lagu soo eedeeyey laba qodob oo kala ah is hortaag shaqo iyo qodobka labaad oo ah khalkhal galin amni. Dadkii arkayay mudaharaadkaasi salmiga ahi waa ay arkayeen in si wanaagsan oo asluub leh ay u mudaharaadayeen. Way arkayeen umadda oo dhammi. Halka dhibaatadu ka timid waa ciidamada oo adeegsaday rasaas oo adeegsaday gaas iyada oo aan loo baahnayn. Mudaharaadadii waanu Bilaabaynaa haddii aan la sii dayn muwaadiniintaasi xabsiyada lagu guray. Waxa aanu ka bilaabi doonaa dhammaanba Lixda Gobol mudaharaadyo salmi ah oo ah kuwo dastuuri ah oo umaddu xaq u leedahay”. Ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI Maxamuud Aadan Jaamac Galaal
Loading...
Loading...