Booliska Somaliland Oo Digniin Udiray Musharax Ciro & Sababta
Warsaxafadeed ka soo baxay Ciidanka Booliska JSL ayaa u dhignaa sidan:-
Sida ku cad Qodobka 124 Ee dastuurka JSl iyo xeerka Booliska 63/2013 waxa Ciidanka Boolisku u xil Saaranyahay Amniga Gudaha, waxayna ilaaliyaan qof kasta oo muwaadina Hantidiisa Naf iyo Maal oo ay ka mid yihiin Madaxda Asxaabta Qaranku.
Boolisku isago gudanaaya Wajibaadkiisa sharci waxa uu madaxda Asxaabta Qarnaka la siiyay Ciidan ku filan ilaalinta Naftooda,Guryahooga iyo Xafiisyadooda, Iyadoo waliba loogu xoojiyay xubno ciidan oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ( military).
Ciidanka Boolisku waxay la socdeen mudo laga joogo laba week uu musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro) uu ka soo guuray Gurigisii Hore oo ku yaalay Xaafada pebsiga Ee galbeedka Magaalada Hargeysa soona dagay Guri Cusub oo ku Yaal xaafada Hodan Hilis Ee Bariga Magaalada Hargeysa.
Hadaba Ciidanka boolisku waxay ka war hayaan in Todobadkii u dambeeyay ay
gurigaa Musharaxu Daganyahay ku soo ururiyeen dad Shicib ah oo si Sharci Daro
ah u Hubaysan, kuwaas oo habenkii ka dhinac qabta shaqo la mid ah shaqada ay
Ciidanku ka hayaan gurigaas joojiyana Dadka Shicibka ah, Baadhana Baabuurta Mararka Qarkoodna Ridaan
Rasaas Dhamaantoodna ku labisan Direys Tuute ah.
Hadaba waxa lala socodsiinayaa ummadda Jamuuriyada Somaliland ee
Nabad-galyada Jecel in ay soo kordheen arimahaas aanu kor ku soo sheegnay oo
inagu cusub haday sii socotana noqonasa Dambi khiyaamo Qaran, Sida ku Cad
qodobka 221 ee xeerka ciqaabta Guud.
Sidaa Darteed waxaanu uga Digaynaa musharaxa Xisbiga WADDANI iyo Cid kasta oo arintaa ku hawlan in ay is
ka fogayso dadka sharci darada ku hubaysan iyago haysta Ciidamadii Qaranka ee amnigooda Sugaayay .
Waxaanaanu u gudbin donaa xeer ilaalinta iyo maxakamada awooda u leh arintaasi aanu kor ku soo xusnay masuuliyadeeda.