Nin Ku Sirey Wax Kuu Sheeg ( Abdi-Shotaly)
Waa caal Waa Qudhmiye", Ha noqonina Maah-maah-ddii ahayd 2 Adhi Daasad Kama Il-Baxo"Durbaanka saaka la qaraacayo, iyo qaylada cumaama-daha madaxa loogu soo duubtay,beer laxawsiga, iyo hadalada macaan, kan baa dantaa wada iyo kala boobka laguu soo kala bereta-maayo, dhiilada iyo dhalaan hababista lala soogan yahay, jacaylka laguu qabo maanta iyo isu soo baxayda, ceel malab ah baan kuu hayaa iyo is wanaajinta lala tuban yahay dariiq-yadda, khudbadaha dhiigu da'aayo, ee geed sare waabka ah, marmar-siiyaha iyo is hafarka, wax baan ku tarayaadda maxaa keenay saaka? Kuwa kula hor taagan hadaladda qiirada leh, ee ka qalaalan hoosta, hore-na kuu soo maray, ogayd-na waxa ay ku danbayee-yeen, ee aad faraha madhan ka joogtid, yaan lagugu khawaysiin, hadaad tihiin ummadda Reer Somaliland! sideedaba-na kala baro oo si hufan u deris, waxa aad rabto iyo kuwa kaa doonaaya waxa ay qafaashaan, maaha wax aad si yar u dhayalsan karto, ogawna oo la soco dadku waa dhawr nooc, dar baa miskiin seef-layaal ah, oo hoosta kaa jara, qaar baa ah dhuxul dambas huwan, kuwo kale baa iyana la moodaa biyo ma daadsha-yaal laakiin aba-guri hoosta ku haysta, nooc baa oogada ka xariir ah, oo ay urgumadu ugu aasan tahay micida, raabo kale baa jirta, oo iyana u abuuran in ay wax canda-dawlaan, oo qas iyo qalaanqal uun u faydan, in baa dusha kaa hagaagsan oo laciimiin ah, kooxo baa jira kugu khaldaaya kitaab, oo boqnaha kugu jaraaya, in baa dhuunta wax ka arka oo mabda'oodu yahay oo keli kii wax u dhiiba, si ay u soo xero geliyaan dad. af-miishaar aan wax ka xishoon, mid reer hebel baa aynu isku nahay raba in uu kaaga leeexiyo danta guud. intaas oo dhan baa is barbar yaacaaya, oo u maleegan siddii laguugu tuuri lahaa haadaan, laguuugu tala galay, oo mid-ba uu dhinaciisa ka ordayaa, marka aad la kulanto-na aad moodaysaa qof nasteexo kuu sheegaaya, ha yeeshee ka dhab maaha, ee waa yaan lagugu garan balaayadda uu wado, oo qudhun kuu hadoodi-laaya si uu fursad kuugu helo, qab kuugu dhigo muruq-yadda bawdadda ku kala gooya, hadaba waxan uga jeedaa, waxa si cadaan ah xakamaha looga jaray, in lagugu hurgufo beentii la rabay in xawda lagaaga jaro, oo la iskaa kaba raaciyo, shanta fagaxa baa cagaha wax laga deyey, qolooyinka kala gedisan ee aan kor ku carabaabay-na, waa wakhtiggii ay ku talo galeen, laguuna soo tafa xaytay, siddii ay kaaga heli lahaayeen ujeedoo-yinka iyaka u gaarka ah, iyada oo laguu sheegaayo wax baan kuu qabanaynaa, taas oo hore-ba looga waayey, waxa ay la koodhaadha-yaan kuwa idin hor boodayaa.
"Geel duq baa loo tumaaye", Kulmiye waxa soo celiyey in ay ku hor yimaadaan kuwii aad eeday, ee kaa reebay qayrkaa iyo qayr xigeen-kaaba, ma is weydiisay waxay tahay? Micnuhu maaha doorashada'e, ee waa lagu gasaan-gasayaa, waxay tahay oo kuu keenay in ay ku baryaan, ha moodin wax kale ee waxa dhamaaday ayaamihii ay lahaayeen, oo habeenkan caawa ah adiga ( ka foodaaya marka aad tahay shicibkaw) baa ka diig ah, oo lagu hoos joogaa inta ay ku jirto dan-toodu gacan-taada ( oo ah mudo korodhsi), ta lagaa sugayaana waa taageero noocaas ah oo aad u fidiso, waa siddii lagaaga saxeexi lahaa, inta ay dhun-dhunka ku qabtaan, lagaa hir gashado in aad u meel mariso toodda, dabeed cidla lagaaga dhaqaaqo, ummad yahay wax ina maryaaya maaha, keligii talisnimo, sidaas awgeed waxa muhiim ah in aad ku wadda kacdaan labadda askari, ee salaxday boqrtooyadda uu kula soo taliyey ka u seediga ah ee Xaafadda aynu jaarka nahay ee Jabuuti. in aad ka fiirsato beenta laguu biirinaayey, mudadda afarta sano ee xooga ka masaha ah, oo ah intii ay askarta iyo kuwa uu isticmaalaa, ee reer walba lihi, kuu maqaar saarnaayeen. Waa in aad qaadaa-dhig-taan, ereyada la idinku maalaayo, ee wax ka dan-beeyaa aanay jirin, Maaulka askarigu wax uu ku taray ama ku yeelay waa in aad is waydiiso, waliba waa in aad gaar ula xisaab-tantaan, oo eeg-taan dhul dhacoodda, micnuhu maaha waxa kele, oo aad kala dooranay-saan Saddex xusbi, ee eega bad-weynta ku xeeran, kuwaas oo hadhaw hunguri doonka ah, kuwa ku melgi doona weeye, ee iilka kuu sii dheeray-naaya ama noqon kara kuwo aad wax ka faa'iidid, kuwani halkay somaliland dhigeen idin kama qarsoona, aanay cid aan ogaynina ma jirto, waxa la isla daba wareegayaa bal dhuuxa, waxa kale maaha ee waa caadaddii Xusbiga qudhmiye, uu hore ugu caano maalay, maantase socon mayso hebel waa sidaas iyo ka kale, oo isna wax ka sii daran, ka is leh isku maydh, Mucaaridka mooyee mid ka hadlaaya adeeg-yadda ummadda iyo baahidda dan yarta haysta ma jiro, ayaan daradda inagu habsatay, oo aynu kuligeen, mid-na aanu eegayn danta Somaliland iyo dad-keedda, ee nin jeclaysi iyo Reer Hebel kuwa ina baabi'iyey ( Waa maamulka asakrta'e, hadhaw-na goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, seeftii kugu dhacday, aad cabaad la soo jeesato, waa-se goorma-goorta, aad siddii xuunshadda aad wax ogaanaysaa? Inaka baa ka mansuul ah oo nina kama dedna taasi, waana ay ina soo mareen, laga bilaabo ku dhawaaqiddii somaliland 18/05/1991-kii, oo waa kuwii dagaalkii sokeeya ee " Marya alool" u ahaa aabaha iyo hooyadda, madxa-weyne kaste sidadii ay ula dhami jireen aad ka wadda dheregsan tihiin, markaas waxa ay imika la imanayaan, ama ay hayaan ma cid baa awel ka hor joogtay, mise dib baa loo abuuray, oo maaha-ba kuwa aan sheegayno akhristaw adaan kuu dhiibaye?
"Hadal waa run kama rayste" Maaha in qiiq iyo ciiro la inoo dhex galo, oo kolba sida jirji-roolaha, la isu keen ekaysiiyo marxaladda la inaku khaldaayo, wax aan sal iyo baar mid-na aan lahayn laguu akhriyo, wax aad ka soo gun iyo baar wareegtay, oo wax ka soo naasao cad, iyo rajo laga sugo, aad ka soo inaab-satay, kuwii u ahaa taayiradu-na ay weli kugu so mutuxan yihiin, miyey kula tahay, in aad maanta-na ku dan seegto, waa kuu dadnimo xumo iyo cidhib la'aan lagugu ogaaday, waana ta ay kolba kuugu soo hiila-yaan, ee ay kaaga quusan waayeen, ilayn waxay og-yihiin in ay kaa jibo keena-yaane, hadaba waxan ku soo xidhay maqaalkan, oo aan qoofalka ku giijiyey, dan-taadu waxay ku jirtaa, adiga oo tijaabiya kuwa kale, wixii kuu daacad ah, ee dadka iyo dalka aan hore u liqin, curyaamin, kuwa maalin kasta Dhuuxa iyo lafta, ku jebi-naaya, ee misana sidda maska, oogadda xariir ka dhigaaya, waabay-diina soo dayn doona marka aad kursiga geyso, sidda maamulka hadda jooga ee diir iyo lafba ku cunay, isku kaa diray, dabeed-na ku yidhi cirka soo leef markuu kaa dan dhamaystay. Waxan kus oo xidhay qoraalkan, ka tashadda keligii taliska labadda askari, oo diidda Mudo korodhsi, doorasho madax-tooyo la'aan yaan la idin marin, Kuwa uu ururadda u furayaa waa " Qudhmiye Niqaaban" oo la damcay in Beel walba lagu kal jebiyo si uu dib ugu soo baxo Qudhmiye, ilayn wuu is og-yahay in aanay cidi rabine. qaybi oo xukun waaye xaalku, oo kaal eri, mid-mid aaminaa yuu jirine. Ummadu waa in ay ka kacdo Gobolka kasta, oo dhrbiga loo qoro " Raggii ma adigaa ka hadhay, geenyo Shaaximan iyo Koox-diisa la yidhaaho " Shimbira-yahaw Heesa" Waa wasiiro ku sheega'e.
* N.B Adhi daasad Kama Il-Baxo!
Abdi-shotaly,
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!