Laba Godob Ayuu Ka Galay Dr.Gaboose Reer Awdal.!!!

0
Sunday June 19, 2022 - 10:26:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1959
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Laba Godob Ayuu Ka Galay Dr.Gaboose Reer Awdal.!!!

    Dr Gaboose Waxa Uu Borama Ka Yidhi Reer Awdal Waligay Godob Kama Gelin. Haddaba Arinkaasi Maxa Ka Jira,?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr Gaboose Waxa Uu Borama Ka Yidhi Reer Awdal Waligay Godob Kama Gelin. Haddaba Arinkaasi Maxa Ka Jira,?

Runtii eraygaas Dr Gaboose maanta Borama kaga dhawaaqay isagoo olole ugu jira ururkiisa Barwaaqo iskama uu hubsan.waxa jira laba godob oo waaweyn oo uu  ka galay Reer Awdal.Mid waxa uu galay markii uu xilka wasiirka arimaha gudaha ka qabtay dawladii Siilaanyo.Godob ta kalena waxay  ahayd wakhtigii Rayaale isagoo aan xil hayn.



1-Godobta kowaad waxay ahayd markii loo magaacaabay xilka wasiirka arimaha gudaha ee xukumadii Siilanyo.Waxa uu maalmo yar gudahood markii uu xilkaa tirsaday xilkii ka qaaday gudoomiye ku xigeenkii degmada ganacsiyeedka Wajaale oo ka soo jeeday gobolka Awdal gaar ahaan beesha Bariga Borama iyo Baki degta ee Reer Nuur.Degmada Wajaale oo ah magaalo muhiim dhinaca ganacsiga iyo cashuuraha waxa wada dega laba reer dhinaca bari waxa dega beesha Jibril Abokor oo qaadan jirtay Gudoomiyaha.Dhinaca galbeedkana waxa dega beesha reer Nuur oo qaadan jirtay gudoomiye ku xigeenka.Shaqaaalaha dawladda hoosena waa la qaybsan jiray.Dawladii Cigaal ilaa tii Rayaale iyo dawladihii hore ee Somaliyeed ee ilaa 1960 sidaas ayey ku socotay.


DR.Gaboose wuxu ahaa ninka godobtaa u badheedhay ee ka galay dadka reer Awdal ee maamulkii degmada gacanta u galayey reer Kaliya.Atintaas waxay keentay in dhamaanba degmada wajaale laga tirtiro beelaha reer awdal ee  degaanka ilaa iyo maanta sidaas ayey ķu socotaa oo xataa qof shaqaale kuma laha reer Awdal iska daa ku xigeen iyo mansabyo kale.


Tariiikhada iyo godobtaa uu Dr gaboose naga galay anigu maanan  iloobin hadii uu isaguu ilaabay.

Somalidu waxay ku maahmaahdaa dhibka (yeelaa wuu ilooba laakiin la yeela ma iloobo.)

Sidaa awgeed godobtaa waan kuu haysanaa,taariikhdana way kugu jirta.


2-Godobta labaadna waxay ahayd wakhtigii Rayaale xukunka qabtay inuu Isaga iyo Maxamed xaashi Cilmi ay xisbi aan sharci ahayn ay furteen.Rayaale wakhtigaa waxa mucaarid ku ahaa laba xisbi oo beesha dhexe ah oo kala Kulmiye iyo Ucid oo kala hogaaminayeen Siilanyo ito Faysal.Sabab xisbi kale oo aan sharci ahayn loogu furaa meesha ma oolin ,laakiin waxay Isaga iyo Ina xaashi lasoo taagnayeen Ina Rayaale waa faqash oo ma xukumi karo Somaliland.Ugu dambayn Madaxweyne Rayaale wuu xidhay markii loo taag waaayey.laakiin wuxu isku dayey inu sharciga jabiyo dadkana ku abaabulo inu ka horkeeeno xukumadii Rayaale.Sidaa awgeed ninka ixtiraami  waayey madaxweyne Rayaale oo weliba beesha uu ka soo jeedo ee Habaryoonis ay xukumadda Rayaale madaxda ugu saraysa ay laahayeen.waxay ku tusinaysa in Dr Gaboose cid kale u raran yahay oo cadaawad u haysa reer Awdal.Sida godobtaa  tog wajaale iyo tii madaxweyna Rayaale uu ku kula kacay.

 

KAALINTA REER AWDAL EE DIIWAANGELINTA URURADA.

Waxa imika bilaabantay diiwaangelinta ururada somaliland waxana durba bilaabantay olalaha iyo xafladaha shaacinta ururada.


PROF Samater oo kasoo jeeda Awdal iyo Teeam kiisa ayaa urur la magac baxay Hilaac kaga dhawaaqay Hargaysa shalay June 16 2020.Prof. Samater iyo team kiisu waxay si heer sare ah u soo bandhigeen ajandayaal iyo afkaar waaweyn oo doonayaan inay dalkan ku hogaamiyaan hadii ay xisbi ku soo baxaan.Runtiina  Prof.Samater aqoon iyo wayo aragnimo weyn ayy leeyahay wuuna u qalmaa inuu hogaamiyo dalkan.


Inkastoo muran badani iyo is maan dhaaf ka jiro ,sida ay dooorashooyinku u kala horeeyan.

Sida doorashada Madaxweynaha oo ku beegan 13 Nov oo ay xisbiyadu doonayaan inay soo horeeyso  halka Madaxweynaha iyo xukumadiisuna doonayaan In xisbiyada iyo ururada la qabo doorashadooda.


Wakhti kastaba ha noqotee shaki kuma jiro in Reer Awdal ay Xisbiga Hilaac uu si gaar ah ugu Hilaacay.Madaama hore shakhsi ka soo jeeda Awdal aanu xisbi furin ,arinkasoo aad loogu dhaliili jiray.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...