Maxaad Ka Taaqaanaa "Qaaradda 8-aad" Ee Ku Taalla Badda Hoosteeda?
Waxaa dhici karta in aadan horay u maqal in dood ay ka taagan tahay tirada qaaradaha ee dunida.
Waxaa suuragal ah in aad aragto dad ku
doodaya in qaaradaha dunida ay yihiin afar halka kuwo kalena ay sheegaan inay
yihiin tododo.
Waxaa jira dad Yurub iyo Aasiya isku dara oo ka dhiga qaarad loo yaqaanno Eurasia. Halka kuwo kale ay isku daraan Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika oo ay ka dhigaan qaaradda Ameerika.
Hase yeeshee inta badan dadka caalamka ayaa isku raacsan in todobada qaaradood ay yihiin: Waqooyiga Ameerika, Koonfurta Ameerika, Yurub, Aasiya, Afrika, Australia ama Oceania iyo Antarctica.
Sanadkii 2017 waxaa soo baxay culimo ku takhasustay badka dhulka oo soo bandhigay waxa ay ugu yeereen qaaradda sideedaad, Zealandia. Badkeedu waa 4.8 milyan oo iskuweer, waxaana ay lix laab ka weyn tahay dalka Madagascar.
Khubarada ayaa ku tilmaamay qaaradda
ugu yar, uguna ballac gaaban dunida. Arrinta layaabka leh ayaa ah in 94% dhulka
qaaraddaas ay biyo ka sarreeyaan, waxaana ku yaalla jasiirado faro ku tiris ah
oo ay kamid tahay New Zealand.
"Waa wax layaab leh in muddo
intaas dhan ay qaadatay in la ogaado jiritaanka qaaraddan," ayuu yiri Andy
Tulloch oo kamid ah khubarada helay qaaradda cusub.
Waxyaabaha kale ee aan ilaa hadda
jawaabta loo helin ayaa waxaa ka mid ah inta badan baaxadda qaaradda lagu arkay
gunta badda, gaar ahaan meel dhulk u jirta laba kilo mitir.
Su'aalaha la isweydiinayo ayaa waxaa
kamid ah qaabka ay u samaysantay qaaraddaas? Cidda ka noolaan jirtay? Iyo
mudada ay biyaha ku hoos jirtay?
Sheekooyinka Zealandia
Waxaa la rumaysan yahay in Zealandia ay
markii hore ka tirsanayd qaarad 550 milyan oo sano ka hor samaysantay oo lagu
magacaabi jiray Gondwana, isla markaana ka koobnayd inta badan dhulka ku yaalla
cirifka koonfureed ee dunida.
Muddo hadda laga joogo 105 milyan oo
sano, ayaa "hannaan aan weli fahmin" waxa uu sababay in Zealandia ay
ka go'do qaaradda inteeda kale, sida uu ku doodayo Tulloch. Kadib, Zealandia
ayaa inteeda badan ka hoos martay badda.
Khubarada heshay Zealandia ayaa ku
doodaya in New Zealand iyo jasiiradaha kala ah: New Caledonia, Lord Howe,
Ball's Pyramid ay dhammaantood qeyb ka yihiin qaaraddaas la helay.
Khabiir Bruce Luyendyk oo Maraykanka u dhashay ayaa sanadkii 1995 sheegay jiritaanka Zealandia, balse caddeymaha ku saabsan qaaradda cusub ayaa soo shaac baxay oo keliya labaatan sano kadib, iyadoo baaritaanno qoto dheer lagu sameeyay dhagxaha badda hoosteeda yaalla ee ay ka kooban tahay.
Australia iyo New Zealand
Khubarada ayaa ku doodaya inuu jiri
xariiq yar oo badda dhexmara kaasoo kala qeybiya Australia iyo qaaradda
Zealandia. Taasi ayaa ka dhigan in waddamada Australia iyo New Zealand ay ka
tirsan yihiin laba qaaradood oo kala duwan.
Ma jiro guddi ama hay'ad u xilsaaran ansixinta qaaradaha cusub, waxaana khubarada ay hadda ku dedaalayaan inay dad badan ku qanciyaan in aan la xaqiri karin jiritaanka Zealandia. Waxaa se ay rumaysan yihiin in muddo dheer ay qaadan doonto in caalamka lagu qanciyo aqoonsiga waxa ay ugu yeereen qaaradda sideedaad.
BBC