Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Ka Hadlay Khilaafka Dawlada Soomaaliya Iyo Maamulada
Muqdisho(HWN):-Golaha Amaanka ee qaramada midoobay ayaa baaq u diray dawlada federaalka ah ee soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalkaasi.
Golaha amaanka oo soo saaray warbixinta sanadlaha ahayd ee soomaaliya ayaa soo jeediyey in dawlada federaalka ah iyo maamul goboleedyadu ay wada shaqayn buuxda yeeshaan isla markaana ay dardar geliyaan hirgelinta siyaasad loo dhan yahay.
Golaha ayaa sidoo kale u sheegay dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada inay ka shaqeeyaan awood qeybiga iyo kheyraadka dalka, waxaana uu goluhu hoosta ka xariiqay ahmiyada ay leedahay in xukuumadda iyo dowladaha xubnaha ka ah ay fuliyaan qorshaha amniga qaranka ee uu qeyb ka yahay mid kala guurka ee bixitaanka AMISOM oo uu ayiday mar kale.
Waxaa kalo uu golaha ka codsaday dhinacyadani in ay ka shaqeeyaan fulinta heshiiskii amniga ee shirkii London, kaasi oo qeexaya in labada garab ay ka wada shaqeeyaan sidii dalka looga xoreyn lahaa al-Shabaab.
Golaha ammaanka ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay weerarrada ay al-Shabaab ka geystaan caasimadda Muqdisho iyo gobollada dalka, waxaana dowladda federaalka iyo AMISOM lagu ammaanay dadaallada xasillinta dalka.