'' Furaha Mushkilada Sanaag '' . Ahmed Nour Guruje
Sidaa darteed , xukuumadda waxaan usoo jeedinayaa in xalinta mushkilada
Sanaag ay u marto dariiqyadan , siyaasadda iyo dhaqaalah , si labadan qodob u xaliyaan mushkiladana waxaa ila haboon in la qaado talaabooyinkan .
1- In la dhiso kaabayaasha dhaqaale ee Gobolka , sidda ,
- Dhamaystirka wadada Ceer-gaabo- Burco .
- Samaynta iyo hirgelinta Dekedda Maydh .
- Dayactirka iyo hawl-gelinta Madaarka Ceergaabo .
- Tayaynta Cisbitaalka guud ee Ceergaabo iyo balaadhintiisa .
- Kobcinta Jaamacadaha Ceergaabo iyo kor u qaadistooda .
- Maal-gelinta dhinacayada waxsoosaarka , Beeraha , Kaluumaysiga , Macdanta
iyo xoolaha nool ee Gobolka .
Hadii talaabooyinkan la qaado , waxaa abuurmaysa in Umadda ku dhaqan Gobolka Sanaag kusoo xidhanto suuqyada dhaqaale ee ka abuurmaya Gobolka , gaar ahaan ay kusoo xidhmaan caasimadda Gobolka .
In bulshadu kusoo xidhanto adeegyada guud kor u kacooda , gaar ahaan Dekedda , eerboodhka , tacliinta iyo caafimaadka.
In Gobolku isku xidhmo , ganacsigiisa iyo isku xidhnaantiisuna xoogaysato .
In maamulku si nebedgelyo ah u fido , dadkuna dawladanimada aamino , maadaama aqoontiisa iyo aduunkiisuba kordheen .
Ugu danbayn , Sanaag mushkiladeedu waxay u baahantahay in loo xaliyo si ku dhisan aqoon , lagana yeesho siyaasad aqoonaysan .
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!