Sida dabiiciga ah nolosheena waxaa soo mara saddex nooc oo jacayl ah.

0
Friday June 17, 2022 - 13:29:46 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sida dabiiciga ah nolosheena waxaa soo mara saddex nooc oo jacayl ah.

    Jacaylka saddexaad maaha mid aad adigu raadsatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jacaylka saddexaad maaha mid aad adigu raadsatay

Jacaylka koobaad waa mid dhaca xiliga yaraanta badanaana waad is waydaan oo waayaha idin kala fogeeya. Jacaylkaas waxaad ugu yeedhaa mid ahaa doqonimo balse markaad dib u milicsato waxaad ogaataa inuu ahaa jacayl dhab ah.

Ka Labaad:


Kan labaad waa jacayl uu ku lamaanyahihiin duruuso nololeed. Jacaylkan waxaynu ka dhaxalno dhaawac xun oo inagasoo gaadha qalbiga. Sidoo kale waxaynu la kulanaa Been, Khiyaano iyo ballan burburin.


Faa’idada ugu weyn jacaylkan labaad ayaa ah in aynu kala barano jacaylka dhabtaa iyo kan dhalanteedka ah. Sidoo kale waxaynu ogaanaa Dadka u qalma in lala rafiiqo iyo kuwa mudan in laga fogaado.
Qodobka ugu weyn ee aynu ka dhaxalno ayaa ah "Ka fiirsashada iyo ka maarmid"

Ka Saddexaad:

Jacaylka saddexaad maaha mid aad adigu raadsatay ee waa mid kuugu dhaca si lama filaan ah. Adigu ma maamuli kartid ee isagaa hogaanka kuu qabanaaya wax kasta oo doonistiisa ahna waad ku qasbantahay inaad u fuliso. Mar kasta iyo meel kasta isaga ayaad ku foogantahay ood ka fekeraysaa.

Ruuxaas aad jeclaatay waxaad u ahaanaysaa rabbaayad. Ceebihiisa oo dhanna malabaa laguu marinayaa oo kuu muuqan maayaan gol dolooladiisu. Ruux kasta oo iintiisa kuu sheega isla ruuxaas ayaad colaadinaysaa waxaanad aaminaysaa inuu yahay cadawgaaga.

Si dhab ah ayaad u jeclaanaysaa waxaanad ku hamminaysaa inaad la yagleesho rugsan iyo reersan.
Akhriste Adigu keebaad soo martay??

Abdulkadir Uukow
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...