Xirsi Oo Walaac Kamuujiyay Ficilada Xukuumada Muuse Biixi
Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in uu ka walaacsanyahay ficilo uu sheegay inay samaynayso Xukuumada Muuse Biixi.
Xirsi ayaa intaasi ku daray in siyaasiyiin iyo saxafiyiin ay xukuumada Muuse Xidhay loo diiday inay arkaan eheladooda, sida uu Xirsi ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-
"Sidii aannu marar
badan ku celcelinnay in muwaadiniinta Somaliland, gaar ahaan taageerayaasha
mucaaradka ay ciidamada boolisku u geysteen xadgudubyo badan oo kala duwan,
iyada oo haatan muwaadiniin iyo masuuliyiin kala duwan u jiifaan dhaawacyo soo
gaadhay, halka ay jeelasha ugu xidhan yihiin siyaasiyiin, suxufiyiin iyo shacab
aan waxba galabsan, oo dhammaantood xorriyadooda looga qaaday sifo aan sharci
ahayn, maanta ka horna aan GARSOOR iyo CADDAALAD toona la hor keenin.
Masuuliyiin ahaan,
warwar iyo walaac weyn oo xooggan ayaannu ka muujinaynnaa falalkan ay
xukuumaddu ku kacayso, dadkayaga iyo dunidana cod dheer ayaannu ku
gaadhsinaynnaa.
Waxa arrimahan aannu
sheegaynno u marag furaya warbixinaha maxalliga ah ee haayadaha madaxa-bannaan,
Guddida Xuquuqul Insaanka Qaranka Somaliland iyo haayadaha caalamiga ah.
Warbixinta ay maanta soo saareen Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka JSL
waxa ay xustay
sharci-darrada tallaabada xukuumadda iyo sidoo kale in jidh-dil loo geystay
masuuliyiinta la xidhay iyo in loo diiday booqashada ehelladooda oo ah wax
Somaliland ku cusub in qof maxbuus ah oo xorriyadiisii laga qaaday haddana
tacaddi loogu geysto saldhigii uu ku xidhnaa.
Sidoo kale, waxa aannu la qabnaa Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka JSL walaaca ay ka qabaan tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aasaasiga ah, sida xuquuqda cabbirka fikirka xorta ah iyo saxaafadda, xuquuqda isu soobaxyadda salmiga ah, hannaanka loo maro cidda xorriyadooda laga qaadayo, xuquuqda sugan ee la kulanka ehellada iyo qareennada qofka eedaysanaha mma maxbuuska ah iyo ilaalinta hannaanka helidda caddaaladda oo dhammaantood ah xaq iyo xuquuq dastuurka Somaliland dammaanad qaaday”. Ayuu yidhi.
Todobaadyadii ugu dambeeyay waxa Somaliland ka taagan khilaaf ka dhashay arimaha doorashada kaasi oo sababay in xukuumadu jeelka utaxaabto siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada Mucaaradka, kuwaasi oo Maxkamad la’aan jeelku loogu hayay muddo todobaad gaadhaysa.