Muuse Oo Yaaba Iyo Jawaabta Saleebaan
Muuse: "Waar Saleebaanoow,
meeshani maxay ahayd. Dadkan maxaa ka qaldan?"
Saleebaan: "Dee ma anagaa garanayna ba!"
Muuse: " kuwani kuwii aan odhan jiray, Bariga 20 jirkiisu qori buu sitaa miyaanay ahay, ma intii bay caloosha iigu hayaan. Waxa miyay barigii iga duubeen?"
Saleebaan: " Dee ma anagaa garanayna ba!"
Muuse : " Dee waayahay e, maxaa dadkan ka qaldan wax aan daal iyo dad na diiddan ahayn meesha uguma aannu imane, adigu dadka maanad waxba ku odhanayn ba, Saleebaan?"
Saleebaan: " Dee ma anagaa garanayna ba!"
Muuse: " waa aan maqli jiray uun, reer barigu waa maakhiyiin. Waa
nimanka iyaga oo saf iigu jira haddana siidhi dhagaha igaga qaaday. Hadda
dhagtaa ku soo xiga gariir baa igaga xidhan. Horta ma gaadhi baad ila saarnayd
maalintaa?"
Saleebaan: "Dee ma anagaa garanayna ba?"
Muuse: " waar inaga kici meesha Saleebaan Gaaloow, adigaaba igaga daran reer barigiiye. Ma anagaa garanayna uun baa ilaahay kaa soo waddacee!"
Saleebaan: " ma anigaad Saleebaan Gaal I tidhi maanta, bal waa cidda muddo-kordhinta kuu samaysa. In aan waar saara saara kuu raacin. Shaw imaba taqaanid"
Guuleed Muuse Cabdillaahi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!