Qabiilkee Ayuu Ka Soojeedaa Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya?

0
Wednesday June 15, 2022 - 20:29:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qabiilkee Ayuu Ka Soojeedaa Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya?

    "Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa aas-aasayaasii Jaamacadda Kismaayo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa aas-aasayaasii Jaamacadda Kismaayo"

Muqdisho (HWN) Ra'iisal wasaaraha Cusub ee Soomaaliya ee uu maanta magacaabay Madaxwaynaha Somaliland  Hamse Barre ayaa ka soo jeeda Beelaha Daarood, Kumaade, Absame, Ogaadeen, Maxamed Subeer, Reer Cabdile, Reer Xirsi, Reer Ugaas Kooshin.


Xamse ayaa hore u soo noqday xoghayihii xisbiga madaxweynaha ee UPD sanadihii u dhexeeyay 2011-2017, wuxuu sidoo kale soo noqday la taliyaha wasaaradda arrimaha Dastuurka.

 

Xamse Cabdi Barre ayaa ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada Jubbaland doorashadii lagu doortay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe sanadkii 2019.

 

Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa aas-aasayaasii Jaamacadda Kismaayo, isaga oo kasoo noqday macallin iyo guddoomiye ku xigeen.

 

Xamse oo 48-jir ah ayaa shahaada labaad ee Masters degree ku heysata cilmiga maamulka iyo maareynta, wuxuuna ka qaatay jaamacadda International Islamic University of Malaysia sanadkii 2009.

Loading...
Loading...