"Muuse Biixi Ma Waashay Mise Wuu Badheedhayaa" Siyaasi Cali Guray

0
Wednesday June 15, 2022 - 08:27:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Muuse Biixi Ma Waashay Mise Wuu Badheedhayaa" Siyaasi Cali Guray

    "Markaa doorasho ha la iska iloobo oo ha la isu diyaariyo xaaladsha adadag"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Markaa doorasho ha la iska iloobo oo ha la isu diyaariyo xaaladsha adadag"

Hargaysa (HWN) Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in Muuse Biixi meesha ka saaray inay Dhacdo doorashada madaxtoyada midkale oo dhacaysaana ayna jirin.



Siyaasi Cali Guray ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu daabacay oo uqornaa sidan:-

 

"Doorashoba warkeedii Muuse Biixi wuu laabay. Sida uu Ceerigaabo ka cadeeyay Doorashadii Madaxtooyada ee soo horaysay ee dhamaan stakeholders-kuna ay heshiiska ku ahaayeen  meeshaba ka saaray. Kuwa moodaya in doorasho kale ee December laga soo hormarin doono ta madaxtooyadu way riyoonayaan.

 

Hadii doorashadii heshiika lagu ahaa qabsoomi waydo ma jirto tu kale oo dalka ka qabsoomaysaa magac kasta ha loo bixiyo eh. Muuse intaa wuu garanayaa  ee waa sida uu isagu ku talogalay in dalka aanay wax doorasho ahi ka qabsoomin isaguna kursiga iskaga fadhiyo. Wuu garanayaa in taasi adag tahay balse wuxu ku talogalay ciddii qorshihiisan waaliduulka ka hor timaada uu ku muquunin karo awoodda dawladnimada.

 

Markaa doorasho ha la iska iloobo oo ha la isu diyaariyo xaaladsha adadag ee ka dhalan karta caqlixumada Muuse Biixi. Taas ayaa hadda ka muhiimsan in lagu mashquulo doorasho aan jirin”

Loading...
Loading...