Hogaan iyo Horumar Q 3aad Dabecadaha Hogaamiyaha wanaagsan (ENG Mohamed Aden Hassan)
Rasuulkenii suubanaana wuxuu yiri SCW ( Labada Qaybood oo Bulshada ka mid ahi haday toosaan oo Wanaagsan yihiin, Bulshada oo dhan wey toostaa, labadaasina waa Culimada iyo Madaxda).
1-DIIN: hogaamiyaha dhabta ah e hogaaminaya umad islaama dabecada iyo astaanta kowaad e aynu ka rabnaa waa in u diin leyahay diinta islaamka ah Garanaayo Dabecadan wanaagsan Hadii laga waayo waxa kale e dabacado leayahay haba fiicnadaan o ha wnaagsanadan dhamaan waxay noqonayaan ka kac.
2-DAACADNIMO: astaantani waa astaan aad u wanagsan hogaamiyaha wanaagsan wax laga rabaa in u umadiisa si dacada o diintu ogashahay ugu shaqeeyo isaga oo aan kala socaynin qabiil iyo waji garasho.
3-DABACSANAAN: hogaamiyaha wanaagsan waa in u umadiisa u dabacsanada u roonada wax walbana u fudaydiya o nolosheeda ah.
4-Dulqaad, oo qof aan lahayn Dulqaad oo xanaaq badan, lana dagaalamaya qof kasta Hogaamiye ma noqon karo.
5- Deeqsinimo: qof ay ku adagtahay wax bixinta iyo gacan iska hormarintu ma hogaamin karo Bulsho, maxaa yeelay dadka qaarbaan kuu hogaan-samaynin hadaadan Afka wax u galinin.
6- Caqli badan iyo garasho sare, si uu u kala sooci karo dhacdooyinku mudnaanta ay kala leeyihiin, waxa ka dhalan kara iyo jawaabta ugu haboon ee laga bixin karo. (waxaa la yiri doqonku wuxuu fiiriyaa cirbihiisa hoostooda, Caaqilkuna wuxuu fiiriyaa aragiisu meesha uu ku dhamaado). Marka qofka doqonka ahi meeshii uu kalmad ku jawaabi lahaa, Dagaal buu ka bilaabaa, meeshii Dagaal iyo raganimo u baahnaydna wuu ka seexdaa.
7- Karti iyo Awood waxqabad: oo qof Daciif ah ama wax matare ahi, hogaamiye sare ma noqon karo, maxaa yeelay qofka daciifka ah waa laga talaabsan, ummaddiina waa la qabsan isagoo taagan, maadama uusan lahayn Awood lagaga haybaysto.
8- Cilmi iyo Aqoon: uu kufahmo dhacdooyinka iyo geedi socodka Aduunyada, oo qof dhoohan oo Jaahil ahi naftiisaba ma hogaamin karo maadaama ay adagtahay inuu kala garto Khayrka iyo sharta, waxa qiimaha leh iyo waxa aan qiimaha lahayn. Labadaa Tilmaamoodna (Kartida iyo Cilmiga) Rabbi baa Qur´aanka ku sheegay dhawr jeer, isagoo ku yiri carabka gabadhii Nabi Shucayb markay ka had-laysay Tilmaamaha Nabi Muuse: إن خير من استأجرت القَويُ الأمين Nabi Yuusufna markuu ka codsanayay Boqorkii Fircoon ahaa inuu ka dhigo wasiirka Lacagta wuxuu yiri waxaan ahay (Qof wax ilaalin kara, lehna Aqoon sare).
9- Sabar, adkaysi iyo Dulqaad, oo qof naxdin badan oo argagaxaya markuu waxyar oo khatara arko, ama oynaya sida Caruurta, Hogaan sare ma noqon karo, maxaa yeelay Oohintii iyo argagixi Ciidanka ayuu ku daaranayaa, halkaana ummaddii baa ku jabaysa.
10- Latashi iyo talaqaadasho, oo qofka aan dadka la tashanini wuxuu noqonayaa kaligii taliye, taana waa lagu jabaa, waana mid aan waqtiga xaadirka ah ka dharagsanahay xumaanteeda iyo dhibka ay keento. Waxaa ka mid ahaa dhaqankii Rasuulkeenii suubana (scw) inuu ku oran jiray Saxaabadiisa markasta oo ay ka hortimaado arin muhiima ahi (ashiiruu calayya ayuhanaas = dadyahaw tala i siiya ama ilataliya). Qofkii dadka la tashadaa caqligooduu la wadaagaa, kala faa’iidaystaa, wuxuuna ku abuuraa ixtiraam iyo qadarin, qofka dadka talada ka qaadana isagaa is cariiriya, dadkana wuu duleeyaa wuxuuna dareensiiyaa liid iyo dulinimo.
11- wada shaqayn: Hogaamiyaha wangaasani waa in uu shaqaalihiisa dawlda si fiican ula shqeeya oo waxa khaldan saxaa waxa walbana la falanqeeya si lo gaadho Guul IYO Gobonimo.
Ugu danbayn dabecadahaas hogomiyaha wanaagsan waa kuwaas e halagu daydo o ha la fuliyo walaal si aynu horumar u gaadhno aduun iyo akhiraba insha allah guul iyo gobonimo.
ALLA MAHAD LEH ALLA MAHAD LEH ALLA MAHAD LEH
BY: Mohammed Adam Hassan
Engineer Politician Researcher And writer
Hogaan IYO Horumar.
Q 3AAD Dabecadaha Hogaamiyaha wanaagsan (Mohamed Aden Hassan)
DOORO HOGAAMIYE WANAAGSAN OO HORUMAR KEENI KARA IYO ISBADAL DUNIDANA INA GAADHSIIN KARA.
E-MAIL [email protected]
Tell: 0634394700.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!