Odayaasha Inantii Boolisku Laaga La Dhacay Oo Sheegay Inay Aargoosanayaan
Hargeysa, - (HWN)- Qaar ka mid ah Qoyska, qaraabada iyo madax-dhaqmeedka inantii dhawaan ciidamada ammaanka Somaliland jidh-dilka ugu gaysteen agagaarka barxadda khayriyadda caasimadda Hargeysa mar ay ka qayb galaysay mudaharaadkii ay soo qaban qaabiyeen xisbiyada Mucaaridka ahi ayaa waxa ay si adag u dhaliileen sarkaalkii ciidamada ammaanka ka tirsanaa ee laadka la dhacay inantan kaasi oo muuqaal laga duubay maalintaasi qabsaday baraha Bulshada. Odayaasha inantan u hadlay waxa ay wacad ku mareen in ay inantooda u soo aari doonaan oo ciddii falkaasi kula kacday ay Iyana gacanta saari doonaan sida ay hadalka u dhigeen iyaga oo dhinaca kalena Madaxweynaha Somaliland iyo Taliyaha ciidamada qaranka ugu baaqay in ay sharciga mariyaan cid kasta oo falkaasi ka dambaysay.
Odayaashan ehelada inanta oo shir jaraa’id shalay ku qabtay
caasimadda Hargeysa ayaa Ugu horrayn mid ka mid ah odayaashan oo sheegay in uu
inanta jidh-dilka loo gaystay adeer u yahay ayaa waxa uu yidhi: "Inanta falka
lagu sameeyey qori ma ay sidan cid may caayayn cidna may dilayn shalayna waxa
ay taageersanaayeen Madaxweyne Siilaanyo maantana waxa ay taageersanaayeen
Is-bahaysiga Xisbiyada Mucaaridka ah. Isu soo baxaasi waxa uu ahaa afkaar dadku
ra’yigooda ku muujiyay oo salmi ah oo aan cidna waxba loogu dhimayn. Xor bay u
yihiin dastuurka ayaana siiyey. Sidaa darteed inantaasi waxa gacanta saaray oo
amarkana bixiyay taliyihii RRU-da ama taliye ku xigeenka. Isaga oo daayeer
dhici waayay geed buu haystaaye Ina Biixi iyo Ina Kaahin si toos ah uga amar
qaadanayay. Inantaasi iyada ah xuurto ayaa lagu qabtay oo waad arkayseen dhulka
ayaa la dhigay laad baa lala dhacay waxna loolama hadhin.
Waxa aanu ka bixin
doonaa jawaabo ku habboon. Ama ha dheeraato ama ha dhawaato, waxaanu jecelahay
in ay dhawaato oo ciddii dhibtaasi gaysatay lagala kulmi doono lagana waraabi
doono tallaabo ku habboon. Inantaasi waxa adeer u ahaa ninkii la odhan jiray
Bacaw oo ku geeriyooday wakhtigii halganka madaarka Hargeysa meel u dhaw kaasi
oo aannaan maydkiisa qaadan sidiina ku maqan. Cawil Cadim ayaa adeerkeed ahaa
oo aad wada garanaysaan. Waxa adeer u ahaa maalintii Cabdillaahi Askar lala
baxayay ninkii ku dhintay ee Biixi Xaaji Askar oo imika ku xusan Miiska
saraakiisha. Intaa iyo in ka badan ayaa ehel u ahaa maantana Khadar laangadhe
oo aan geedna uga soo wareegin tacadiga intaa le’eg ku sameeyey iyo Muuse Biixi
oo uu ka amar qaadanayay iyo Ina Kaahin oo xagga dambe ka fadhiyay. Waxa ay
doonayeen in madaxda Mucaaridka ay shil baabuur ku dilaan marka ay suntan ku
buufiyan. Waxa kale oo aan ognahay in ciidankii sugayay amniga madaxda
Mucaaridka ee baabuurta isaga dhigay in maanta la leeyahay iyagii la doondoono
oo la leeyahay maxay u difaacayeen.
Waxa la doonaayay in Cirro taayirka gaadhiga la mariyo. Booliska Daba gale xukumaa ee Ina Kaahin amniga u yahay ma waxa ay ilaaliyaan Muuse Biixi iyo inta ka amar qaadata? Haa, weeyi jawaabtu waa inta Muuse Biixi ka amar qaadata” ayuu yidhi odaygan la hadlayay warbaahintu.isaga oo intasi ku daray: "Waxa iman doonta ciidanka ciidan ugu awood badan kalsoonidiisana haysta ciddii soo weerartana jawaab ku habboon siin doonta in ay ka wareegi doonaan iyagana (Mucaaridka) ilaalin doona haddii Alle ogolaado. Idinkana aannaan waxba idiin waydiin doonin. Muuse Biixiba markii aanu talada soo gaadhin waakii ciidanka isku hareereeyey. Maxaa koodana ka dhigay xalaasha kana xaaraanta?. Waxa aanu qaadanay ninba waxa ay ugu dhiiqdaba waa wax iska celin” ayuu yidhi odaygan sheegay in uu inanta boolisku jidh dilay ehelkeeda ka mid yahay”.
Xubin kale oo odayaashan u hadlay ayaa waxa uu yidhi:
"Dabagaloow inantaa yar boodh bay siadatay ciil qabe ayaan ahelay. Mana
daynayno ninkaasi. Madaxda Mucaaridku waxa ay dhigayeen mudaharaad salmi ah oo
dastuurka iyo shuruucda dalkuba u ogol yihiin. Annagu inantaasi dhibka loo
gaystay ciddii u gaysatay ka hadhi mayno” ayuu yidhi.
Dhawaan ayay ahayd markii baraha Bulshada lagu baahiyey muuqaal muujinaya Taliye xigeenka ciidamada gaarka ah ee RRU-da oo laad la dhacaya gabadh ka mid ahayd ka qayb galayaasha mudaharaadkii ay sameeyeen xisbiyada Mucaaridka ahi xukuumadduna sida weyn uga hor timid muuqaalkasi oo dhaliyey hadal haynta ugu badan.