Ayatulaha Somaliland: Faysal Cali Waraabe — Jawaabtii Siciid Gahayar

0
Monday June 03, 2019 - 13:12:12 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ayatulaha Somaliland: Faysal Cali Waraabe — Jawaabtii Siciid Gahayar

    Waxaan wiigan ku arkaayay maqaal ka dhan ah Gudoomiyaha Xisbiga UCID.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan wiigan ku arkaayay maqaal ka dhan ah Gudoomiyaha Xisbiga UCID.


Maqaalkaasi waxaa qoray nin la yidhaa Siciid Gahayr kuna baahiyay mareegaha warqaadka iyo Facebook. Maqalkaasi ayaa ahaa mid ujeedada la geelayahay ay ahyid in gudoomiyaha Xisbiga UCID magac dil lagu sameeyo. Suaasha ayaa ah —Maxaa imika soo kiciyay doodan gacan ku rimis ah ee aan inagu cusbayn ee mala Awal ka ah?Midakalena ninkan ku eedaynaya danbiyo anu Faysal galin saw ma ogayn in edayntani anay ahayn mid inagu cusub—rag horena iskudayga magacdilka—Gudoomiyaha ruxiga ah ku fashilmeen.

Hadaba ninkan marka uu doodan markale soo kiicinayo ma waxa uu helay cadaymo cusub (new evidence) oo shacbiga ka qarsoonayid?



Waxaan isku dayay inaan fahmo bal in, Siicid Gahayr qoraalkiisa balse kuma arag xog cusub oo ku kalifay in halayayga qaranakani leeyahay ka faafiyo dacaaydo karma dil ah.

Hadaba akhiriste ma ogatahay in aasaasayaashi Xisbiga UCID ee aan ka mid ahaa — kuwii dalka kusugnaa wakhtiggii Ururada ay qaadan wayeen dacaydan. Waxay goaan ku goosteen inta aanay tageero u muujin inta gudoomiyaha lagu sameeynayo (full reference check) dunta shaqsiyadiisa.


Qorwayntii Markaa Ururkii UCID oo alla hawnaxariiste hormood ka ahaa, Axmed Muuse Geedi (Sanjab) oo markaasi u qoolaa—Xogahayaha Guud ee Ururka ayaa ayaa xunbihii ururka UFO ee markaa nolaa (2001?) shir la yeeshay. Maxamed Baaruud oo Siiciid Gahayr ku celceliye in markhaati ka dhiganayo ayaa waxa u sheegay gudiidaasi warkaasi Faysal suqa loogaliyey iyaga wax eed ah u haynin.


Dadka magac dilka iyo xasnimada la daba socodaa waxaa kaliya ee Gaani kula xidhiidhin jireen waxay ahyid — Faysal iyo Gaani oo gobal ka soo wada shaqeeyey waa intaan Gaani loo soo badalin qaybtii 26 oo midna maddax milatari ah, midna maddax dawlad hoose. Haddii markii Gaani loo soo badalay, Hargeeysa ay kulamo yeesheen kama dhigayso dambiile.


Midna waxaa ah aqoon daro ama ula kac goormaad qof sirtii aad gudbin kartaa? Miyaanay ahayn markaad sir lagugu aminay aad bixiso—Faysal iyo UFO wax sir ah oo


dhextaalay ma jirto—Doodaasi ayaa hadaba ahyid mid jaban markastan nin dan gaara ah leh ama dhabarka laga soo taabtay isku dayi in magac dilo kula kaco, Gudoomiyaha ruuxiga ah ee Somaliland. 


Argatidaydani waxay Siiciid Gahayar iyo raga magac dilka Gudoomiyaha la cadaystay xusuusinaysaa in ay tahay nusqaan (serious allegation) in qof lagula kaco magac dil. Hadii sharcigu sarayn lahaa waxa dhici lahayid eedamaha noocasi oo kale ah lagu mudan lahaa CIQAAB CULUS.

 

Waa qalinkii, Axmed Cabdi Ciise 

Social scientist 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...