Mucaaradku Haddii ay Guddiga Doorashooyinka diidaana u daran Haddii ay Yeelaana U daran.

0
Sunday June 12, 2022 - 10:33:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaradku Haddii ay Guddiga Doorashooyinka diidaana u daran Haddii ay Yeelaana U daran.

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

- 7 xubnood ee guddiga doorashooyinka ee cusub, marka laga reebo 2 mucaaradka ah waa shaqaalihiii madaxweynaha ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Halkaasi waxa ka muuqata diidmo mucaaradku ay saluugsan yihiin inta badan guddiga. Haddii ay xubnaha Baarlamaanka oo mucaaradku u badan yihiin ay diidaan, doorashadii dib ayey u dhacaysaa oo halkaasi mucaaradkii ayaa wax ku waayey.



- Haddii ay yeelaan oo tooda loo raaco, shanta xubnood ee madaxweynaha la jaalka ah ayaa saameyn weyn ku yeelanaya guddiga. Waxaana dhici karta inay si xirfadaysan u soo dhigaan in aanay laba doorasho wada qaban Karin. Oo ay yihdaahaan doorashada ururrada ayuu wakhtigu noo ogolaanayaa, hasayeeshee ta madaxweynimada waxaanu u baahanahay ugu yaraan lix bilood oo dheeraad ah. Ka dibna ay golaha guurtidu ay xaalada qiimayso oo ay sameeyaan muddo kordhin madaxweynenimo oo ka dambaynaysa lixda bilood ee guddiga doorashooyinka qabteen. Taasina mucaaradka u daran.


- Haddii ay toos wada diidaan ka hor inta aan Baarlamaanku ansixin, oo ay yidhaahaan madaxweynuhu ha soo beddelo xubnaha ay shaqaalihiisa ku sheegeen. Waxa iman karta dib dhac kale oo doorashada ku timaada. Taasina mucaaradka u daran.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...