TABAHA SHAQADA Qalin Maal Madaxbannaan

0
Sunday June 12, 2022 - 09:25:24 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TABAHA SHAQADA Qalin Maal Madaxbannaan

    Ma dareemeysaa sida in aad hawada dhex heehaabeyso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma dareemeysaa sida in aad hawada dhex heehaabeyso


Haddii aad tahay arday jaamacad mardhow dhammeeyay ama qof muddo shaqo raadinayay – waad og tahay in raadinta goob fiican oo laga shaqeeyo in ay adag tahay.

Haddaba maka fakarta in qaabka aad shaqo raadinta u sameyneyso wax ka badasho?
La iskuma diiddana in shaqo raadinta xitaa ay tahay howl adag oo waqti u baahan – sidoo kale way sii adkaaneysaa markasta oo aad sii waynaataba.


Ma dareemeysaa sida in aad hawada dhex heehaabeyso, haddana aadan melena gaarey? Mararka qaar, wa arrin fiican in aad dib u istaagto oo aad isweydiiso waxa rasmiga ah eek aa qaldan.Ka feker qaabka aad adeegsaneyso ka hor inta aadan dirin codsiyada shaqo ee faraha badan.In qaab cusub aad adeegsato waxay ku siineysaa kalsooni wayn, iyo in aad hesho fursad shaqo oo aad kugu wanaagsan.

Talada ugu wayn ee la siiyo qof shaqo raadis ah waa: haka walwalin keliya in aad codsiga buux-buuxiso iyo in aad gaarto heerka ay kaaga baahan yihiin shirkadaha aad shaqada ka raadsanayso.


Shaqo raadinta waa sida in aad naftaada iibineyso – Maxay tahay sababta shaqada aad ugu qalanto? Ka fakar waxa aad uga duwan tahay dadka kale ee shaqadaa soo codsanaya.


Haddaba, si aad guul u gaarto oo u hesho shaqo kuu wanaagsan, waa in aad niyadda ku hayso arrimaha soo socda:

- Isku day in aad xoojiso xiriirkaaga online-ka

Ku biir baraha internet-ka ee shaqada lagu raadsado, lagana barto shirkadaha iyo dadka sida LinkedIn. Waxaa suuragal ah in aad ka fakareyso in naftaada aad ka horeyso, haddii weli aad jaamacadda dhiganeyso.
Balse ogow in shirkadaha dadka shaqaaleysiista ay jecel yihiin dadka caaboon ee cusub ee sidoo kale dhallinyarada ah – wayna wanaagsan tahay in aad suuqa shaqo raadinta aad aqoon u yeelato ka hor inta aadan waxbarashada dhammeynin.

Haddaba wax ka ogow shirkadaha aad is leedahay waad u shaqeyn doontaa, xiriir la yeelo oo waydiiso tababar iyo wax la mid ah.

Hal arrin waa in aad niyadda ku hayso, iska ilaali in aad aragtiyo aad wanaagsanayn ku qorto baraha bulshada, sababtoo ah shirkadaha qaar waxay dabagalaan qofka ka hor inta aysan shaqo siinin.
- La sheekeyso asxaabta iyo qaraabada

Mid ka mid ah arrimaha ugu wanaagsan ee shaqo raadinta waa la sheekeysiga asxaabta iyo qaraabada oo ogaan karo in qof ay raadinayaan shirkadaha.Qaar ka mid ah goobaha shaqada waxay raadinayaa qof la garanayo oo ay aamini karaan – marka waa suuragal in lagu geeyo shaqo bannaan, balse haddii aad aamusto, shaqo ayaa kugu dhaafi karto.Haddaba, afkaaga yuusan ku gabin!

- Fekerkaaga ha dhaafo keliya diiwaanka shaqooyiinka la soo xayeysiiyay
Mararka qaar way fiican tahay in aad eegto shaqooyiinka la soo xayeysiiyo, balse horey u soco oo fakarkaaga ballaari.Diiradda saar shirkado gaar ah oo aad xiiseyneyso la shaqeytooda. Booqo oo dad ka soo baro halkaas, ama weydiiso in aad si bilaash ah sahqooyiin ula qabato.Haddaba marka ay shaqo soo xayeysiiyaan, way kaa warhayaan, waxaadna yeelaneysaa muhiimadda koobaad.

Haddi shirkaddaa ay soo xayeysiiso dhowr shaqo, wada codso inta aad aqoonta u leedahay. Ballaari fursadahaaga.

- Noqo qof isku kalsoon oo naftiisa matalla
Sida aan horey u sheegnay, sida aan u hagaajineyso una qoreyso codsigaaga-shaqo waa midda kaa dhigi doonto qof muhiim ah.

Codsiga waa meesha laga fahmo qofka aad tahay iyo khibraddaada. Marka ha qaadanin wax ay dad kale horey u sameeyeen – ha sheegan guul aan taada ahayn.Haddii aragtida dad kale aad qorato oo baaritaan ka dib la ogaado, waxaad noqoneysaa qof been sheegay – haddaba naftaada ku kalsoonow oo wixii aad soo qabatay si wanaagsan u qor. CV-gaaga ha noqdo mid ka turjumaya naftaada,

khibraddaada, aqoonta aad leedahay iyo waxa aad xiiseyso – hana ilaawin in aad ku darto halka aad tiigsaneyso.

- Ka shaqee Jaamacaddaada

Jaamacadaha waxa ay leeyihiin qeybo ardayda ay ku tababartaan iyo mashaariic loo dhiibo si ay khibrad shaqo uga helaan, uguna tijaabiyaan xirfadda ay baranayaan.

Haddaba qeyb ka noqo howlaha iyo dhaqdhaqaaqyada jaamacadda ka socda. Qeyb ka mid ah khibradda ugu muhiimsan ee waxbarashada aad ku fahmeyso, halkaas ayaad ka soo qaadaneysaa.
- Raadi tababar shaqo barasho ah

Arrintan waxa ay si gaar ah u tahay mid wanaagsan, waa haddii aad ka hadleyso talaga ugu fiican ee shaqo raadinta. Waa muhiim in aad shirkadaha waydiisato tababar shaqo.

Balse ha qaadanin shaqo ka duwan taqasuskaaga, xitaa haddii lagu soo bandhigo, sababtoo ah waxa ay saameyndoontaa wixii aad soo baratay in sida aad dooneyso in aad u shaqeyso.
- Shirkadaha dadka u raadiya shaqooyiinka iska diiwaangeli

Meesha aad joogto waxaad ka raadisaa shirkado dadka ka caawiya in ay shaqo helaan, gaar ahaan in ay kula diraan codsiga, CV-ga kuu hagaajiyaan – Sidoo kale waxa ay kugu geyn karaa shirkadaha oo ay weydiisan karaan in ay shaqo ku siiyaan.

Maadaama qurba-joog la yahay, dalalka qaar waxaa ka jiro shirkado ardeyda xitaa ka caawiya in ay helaan meelo ay ku tababartaan ama in ay shaqo helaan islamarka ay jaamacadda soo dhameeyaan.

- Noqo qof isaga maddax isku ah

Arday badan oo jaamacado ka soo baxay waxa ay badanaa ka baqaan in ay billaabaan ganacsi ay iyagu leeyihiin – waxa ay ka cabsanayaan halista, kalsoonina iskuma qabaan.Haddaba adiga naftaada hoggaami oo qaad tallaabooyiin halis ah, balse guul aad ku gaari karto.

 Noqo qof caqli badan oo si wanaagsan u fakera.Inta aad jaamacadda dhiganeyso ka feker in aad aragtiyo wanaagsan la timaado, si marka aad jaamacadda dhammeysaba aad horey uga gudagasho. Sidoo kale waad billaabi kartaa inta aad waxbarashada ku jirto.

Dhammaad







- Qalinkii: Keyd Xasan Daahir

- Qalin Maal Madaxbannaan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...