Raggiina Dhirbaaxa Dumarkiina Macdanta Ka Laada!.

0
Saturday June 11, 2022 - 11:14:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raggiina Dhirbaaxa Dumarkiina Macdanta Ka Laada!.

    W/Q: Fu'ad Fartaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Fu'ad Fartaag

Waxa wax qaadanwaa' ah qarnigii 21aad inaka oo ku sugan, oo Dunida wakhtigan wax ku qarsoomayaa jirin oo layska wada Aragti hayo in ay u dhaqmaan askartii Somaliland si ka xun, sidii askartii Faqashta, waayo dhacdadan 09-06-2022 ka dhacday Caasimada Somaliland ee Hargeysa waa wax laga cadhoodo oo laga dhiidhiyo loona dulqaadan karin in nin Askari masuul ahi uu Birma-Gaydo ruux dumar ah u gacan qaado, waxa ah wax dhiiga Dadka dhaqaajinaaya in Ruux dumar ah oo shicib ah oo Dhulka wadhan,  nin dirays iyo derajo wataa, uu Laad ka qabadsiinaayo Boga, beerka, Macdanta iyo uurkujirta iyada oo Dhulka taala uu ku sii wadhay si aan naxariis lahayn, hada waa Ruux Dumar ah oo Dhulka Fadhida! Qofka masuulka Askariga ahi laadka goga u gelinayaa, waa arin laga xumaado iyada oo Haweenku Mar Hooyo inoo yihiin oo Ruux kasta oo aduunka ku nool oo aadame ah ay Dih'deen, Mar inala dhasheen oo walaashay iyo walaashaa iyo walaalaheen yihiin, Mar wehelkii Nolashiyo kuwa inoo Dhaxa ee inoo Dhaqma ee inoo Dhaqa ee Marwooyinka aynu qabno ee Ooriyaheena ama Afooyinka inoo noqda yihiin, Marna Hablaha aynu Dhalno ee Aabo iyo Abka u nahay ee ubad keena yihiin.

 

Haweenku waa kuwa dareen caashaq, xubi, kalgacal iyo wanaag faraxleh laabteena geliya ee inaga mudan Dhooldhoolin iyo inaynu Dhibta ka dhawrno miyaa maanta iyaga oo Dhulka yaala sidii kubad Laad ama Laag lagu kicinayaa waa axmaqnimo Taran-goyn, dil iyo dhaawac badheedh ah oo lagula kacay haweenkeenii  Dahabka ahaa, waa ayaandaro waana wax cawaaqib xumo keeni karta hadii masuulkii ruuxa dumarka ah sidaa u jidh dilay sharciga la horkeeni waayo, dumarka reer Somaliland waa dheemanta dumarka aduunka wax la yeeli karo maaha in iyaga oo Dhulka yaala macdanta lagaga durduriyo, ninkii falka wixishnimada ah ku kacay waa in wax laga qabtaa inta ay goori goortahay.

 

Dhanka kale Askartii Somaliland, shacabkii iyo masuuliintii Xisbiyada qaranka sida nacabka inay ula dhaqanto waa wax laga xumaado sida bah-dilaada, jidh dilka iyo Af-xumada qayaxan ee lala beegsanaayo ee ah in Nin masuul Xisbi qaran dareenkiisa muujinaaya oo Hadal mooyee Hub Sidan xabad lala beegsato, halka Rag masuuliyiin ah, Hooyadood inta lacaayo Dhabanada in laga dhirbaaxo loogu daray, arinkani waa bahdilaad iyo waxushnimo dad nimada, Dhaqanka iyo Dumuqraadiyada baal marsan Mana aha wax loodul qaadan karo, Dadku xaqbay leeyihiin wadankuna sharci dastuuri ah iyo mid dhaqan iyo mid Diiniyan ah ayuu leeyahay, ee sharciga aynu wada ilaashano aynu wada leenahay dibindaabyadana halaga daayo shacabkii iyaga oo xor ah khadka farta Dalka u daray, in maanta Bahdil, Dhirbaaxo  Jidh-dil, Laad/Laag, qori dabadii, afxumo, xabad, xadhig, dhaawac, Cago-juglayn, cabudhin iyo kali-talisnimo lagula dhaqmo waa arin laga uur xumaado, waayo Dhib Askar in tusaale iyo wax ku qaadasho inoogu filan waynu soo aragnay ee sharciga aynu dhiganay, dustuurka aynu Qoranay iyo doonista dastuuriga ah ee muwaadinka hala xeeriyo hana shaqeeyso Dumuqraadiyada Dalka u dhidban ee u dhitaysani.

 

Ninkii Haween wax yeelow

Illaahay wax ku yeel.

W/Q: Fu’ad Fartaag

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...