Baarlamaan Wasiiriyo Saxaab, Beelo Kala Sheegtay, Buuqoodi Demiwaayayo, {Bixi Iyo Maxay Kaahin Tari Qaranki Beenooye}
BISMILLAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B],
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHA.
BEELAHA KIBREEN KALA BAXAYN,BULADKA TUURAYA,
BOQORTOOYADAY DOONAYAAN,KOODII BADIYAAYE,
BAALOXOOFTO MAY DHAFIN WELI,BERETANKODIIYE,
BILAASH XAYTAYAASHA,DADKIYO BAAHAN KICINAYA,
IYO KUWAN BARWAAQADA CUNE,BAXADA DIIDAAYA,
BAANISE IYO MURANUN KU JIRA,BILIYO DHEERADKA,
BUUQOODI DEMIWAAYAYUU,BAAHAY DUNIDO DHAN,
BAAXADLAHA MARODIGA,HADDII LABA ISBALBASHO,
BARDODANKODU BAADIYO TIGAAD BAY BURBURIYAN,
BARKHADOW BADASAAD GASHO,BAAXADSOORE AHE,
BAQAL FARAS LA DAAQIYO,HA NOQON BEYDKI GARANWA,
BAADIYOOBE ASXAABTIBA MARKII,BEELO LOO ROGAYE,
BOODH QABIIL INAAD QAADATAA,KUGUMA BEEGNAYN,
BARTAD JOOGTO GARO ADIGNON,BELO U YEEDHAYNIN,
BELEDKII KU SOO DOORTAYEEN,BEELA KUGU RAACIN,
BADBAADADIISA INAAD RAADISA,BILI AHAAN LAYDE,
BOODH INAAD U SOO QADATO,BARAKACOOD DOONTO,
BARLAMAAN AAD TAHAY,AYAAD SOO BAXAAY TIDHIYE,
BILAYSKU INAY KU TOOGTAN BAGE,BARO MAQAMKAGA,
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!