Beesha Madaxweynaha Ka Saari Mayso In Ay Luqunta Laabaan Ama Sida Goroyada Madaxa Ciida Ku Qarsadaan.

0
Saturday June 11, 2022 - 11:07:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Madaxweynaha Ka Saari Mayso In Ay Luqunta Laabaan Ama Sida Goroyada Madaxa Ciida Ku Qarsadaan.

    W/Q: C/Risaq Axmed Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: C/Risaq Axmed Jama

Somaliland waxay leedahay sharci, haba daldaloolo badnaadee. Cida la timaada wax aan sharcigaa ahayn waa xaaraan.  Waana in meel looga soo wada jeestaa si aafadooda aynu iskaga badbaadino.

 

Khilaafka maanta ma aha mid sharci ee waa gacan ku rimis iyo xaalad abuur ujeedooyin gaara laga leeyahay.  Sahrcigu wuxuu si cad u sheegayaa in xisbiyadda maanta ay sharciyadoodu kaga eg-tahay sanadkan bisha ugu danbaysa ee December, lix bilood ka horna waa in la furo ururada, oo hawshooda la sii galo bisha Juun badhtankeeda. Inta hawshaasi socoto waxay Xisbiyadu ku balansanaayeen in bisha November 13-keeda  la qabto doorashadii madaxweynaha.  Intaasi, ma mugdi baa ku jira.

 

Xukuumadda maanta talada haysa waxaa horyaala in ay ururada furto, doorashada madaxweyuuhuna wakhtigeedii dhacdo oo ah November 13, 2022.  Wixii aan intaa ahayn waa jahwareerin iyo wax aan dalka iyo umadiisaba dan u ahayn.  Dadka ha laga daayo xaalad abuurka.

 

Madaxweyne, ma haysid xeelad ama farsamo aad ku kordhisato ee waxaa kula gudboon in aad la timaado geesinmo aad ku qabato doorashadii madaxweynenimada wakhtigeedii.

 

Allahayoow, waxaan kaa barinay gargaar.

 

W/Q: C/Risaq Axmed Jama

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...