Siyaasi Baashe Call Jaamac Oo Ka Dayriyey Xaalada Dalka,Dhaliilo Culusna U Soo Jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi

0
Monday June 03, 2019 - 12:13:45 in News by
  • Visits: 3134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Baashe Call Jaamac Oo Ka Dayriyey Xaalada Dalka,Dhaliilo Culusna U Soo Jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi

    Siyaasi Baashe Cali Jaamac Oo Ka Dayriyey Xaalada Dalka,Dhaliilo Culusna U Soo Jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Baashe Cali Jaamac Oo Ka Dayriyey Xaalada Dalka,Dhaliilo Culusna U Soo Jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi


Hargaysa(HWN)Siyaasi Baashe Call Jaamaca, oo ka mid Siyaasiyiinta Somaliland,kana tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani iyo Xukuumaddii hore Axmed Siillayana kana soo qabtay xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Biyaha ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalku marayo,waxaanu xusay in Xukuumadda taladda dalka haysaa ay dhibaato dalka ka wado.





Wasiirkii hore Biyaha Siyaasi Bashe Call Jaamac oo oo warbaahinta kula hadlay magaaladda laas-caanood ayaa ugu horyn waxa uu ka hadlay munaasibada ciida.


"Bishii khayrka badnayd Bishii ugu fadliga badnayd way dhamaatay ee ALLE khayrkeeda iyo wanaageeda hayna siiyo,waxaana umadda Muslimka iyo umadda Somaliland ugu ducaynayaa wanaag khayrka bishan ALLE haydin siiyo waxaanan ka baryayaa inuu nimcadiisa inoo siyaadiyo.


Siyaasi Baashe oo ka hadlaya xaalada dalka ayaa yidhi "Maanta dalku meel aad u liidata ayuu marayaa,weerarkii Badhan lagu qaaday wuxuu la mid yahay weerarkii Tukaraq lagu qaaday,Xukuumaddani waxay ujeedo garan mayno balse cadaawad dhibaato xumaan iyo hagardaamo ayey wadaa cadaaladii sinaantii iyo xaqsoorkiina wey ka tag-tay,Odayaasha Madashana waan ku taageersan nahay hadalkooda,dhab ahaana umadda waxna looma qabanayo ee dhibta ha lagu daayo haddii kale Harti uu israaci doonaa oo Xukuumadda Muuse Biixi uu iska celin doonaa,iyadoo Beesha Harti wanaag Sharif Maamus iyo ixtiraan u Hayaan guudo ahaan Shacabka Somaliland".


Loading...
Loading...