"Kursiga Laguma Gaadho Qabiil" Axmed Cabdidheere

0
Saturday June 11, 2022 - 09:27:11 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Kursiga Laguma Gaadho Qabiil" Axmed Cabdidheere

    "waxa aan jecelahay in Xisbiyadda Mucaaradka gole iskugu nimaaadno"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxa aan jecelahay in Xisbiyadda Mucaaradka gole iskugu nimaaadno"

Hargeysa (HWN)- Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Axmed Xuseen Axmed Cabdidheere ayaa xisbiyada mucaaridka ugu baaqay in aan talada dalka lagu gaadhin qabyaalad, balse kursiga Madaxweynaha Somaliland lagu imanayo cidda ay u codeeyaan shacabka Somaliland oo dhan.

 

Axmed Cabdidheere oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Kursiga reer kasta iyo qof walba oo Somaliland dagan xaq ayuu u leeyahay Ninka kursiga ku fadhiyaana reer kuma fuulin,habar Awal may saarin kursiga jilib aan codsiinin ma, jiro Deegaanka reer kani ka dago Somaliland degmo walba waalaga siiyay Codka.Saddexdii Madaxweyne ee Somaliland ee Codka ku yimid shacabka Somaliland oo dhan ayaa doortay meel walba cod ayaa laga siiya.kursiga Ninka imanayaa taas ayuu ku imanayaa.waxa uu ku imanayaa in reer Somaliland doortaan kuma imanayo qabiil kiisu in uu doorto”.

 

Sidoo kale Axmed Cabdidheere ayaa waxa tilmaamay in Madaxweyne Muuse Biixi la doortay Shansanno.Waxaana uu yidhi.”Madaxweynaha fadhiya shan sanno ayaa la doortay may dhamaan in doorashada isku taagana xaq ayuu u leeyahay,waxa aan jecelahay in Xisbiyadda Mucaaradka gole iskugu nimaaadno oo Saxaafada Somaliland timaado oo labo shay kaga garnaqsano Doorashada Madaxweynaha iyo Doorashada Ururada ka soo horeeya. odayaal ayaa lahaa dhexdhexaadin ayaanu wadnaa sharcigana dhexdhexaadin lagama galo, waxa

 

aanu raali ka nahay hadaanu Xisbiga Kulmiye nahay in aanu isa soo hor fadhiisano Xisbiyadda Mucaaradka Doorashada iyo Mudaharaadka, mudaharaadka aad dhigayso waa in fasax usoo qaadato Mudahraadk aanay fasax kuu siin Wasaarada arimaha waa sharci darro”.


Loading...
Loading...