Cali Warancade Oo Sheegay In Mucaaradku Shaki Kala Dhexdhigayaan Umada

0
Saturday June 11, 2022 - 09:20:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Warancade Oo Sheegay In Mucaaradku Shaki Kala Dhexdhigayaan Umada

    "Waxaan aad uga xumahay in aan halkan ka sheego wixii foosha xumaa ee shalay dhacay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan aad uga xumahay in aan halkan ka sheego wixii foosha xumaa ee shalay dhacay"

Hargeysa (HWN) Siyaasi Cali Maxamed Warrancadde ayaa ugu baaqay xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID in ay joojiyaan shakiga iyo ficilada kala qaybinta ah ee ay kala dhex dhigayaan bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland.

 

Siyaasi Warrancadde waxa uu sheegay in uu aad uga xunyahay falkii foosha xumaa ee ka dhacay magaalada Hargeysa, kaas oo lagu sheegay mudaharaad salmi ah, balse u markii dambe u eekaaday mudaharaad qabiil oo fool xun isuna bedelay rabshado iyo dib u dhac.

 

Siyaasi Cali Maxamed Warrancadde waxa uu sidan ka sheegay madal ay isugu yimaadeen madax-dhaqameed iyo waxgarad tiro badan oo lagaga arrinsanayay nabad-gelyada iyo horumarka ummadda, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Waxaan salaamayaa bulshada qiimaha leh ee halkan isugu timid maanta ee ka arrinsanaysa sidii dalkooda Somaliland loogu dhaqi lahaa nabad, wada-noolaansho iyo xorriyad iyo sidii aynu u adkayn lahayn wasladaa dahabka ah ee ILLAAHAY ina siiyay, isla markaana aynu meel uga soo wada jeedsan lahayn cid kasta oo isku dayda in ay wax yeesho.”

 

Warrancadde waxa kale oo uu intaasi ku daray "Waxaan aad uga xumahay in aan halkan ka sheego wixii foosha xumaa ee shalay dhacay ee lagu sheegayay mudaharaadka, laakiin dib inoo celiyay muddo aynu ka soo gudubnay oo aan ku qiyaasi karo in uu dib inoo celiyay sannado badan. Kaas oo markii hore loo eekaysiiyay bannaan bax salmi ah laakiin markii dambe isu bedelay rabshado badan oo u muuqday mudaharaad qabyaaladeed, magaaladu waxay leedahay afar kadin oo laga soo galo, mudaharaadkaas oo kadin kaliya ka soo baxay oo runtii u muuqday in aanu ahayn mudaharaad qaran ee uu yahay mudaharaad qabiil oo ku suntan beesha maanta halkan fadhida oo aan geyin in lagu tilmaamo in ay tahay beel ka faquuqan beelaha kale ee Somaliland, beel wax gaar ah ka leh beelaha kale, beel ka takooran beelaha kale, beel yasan oo xaq u dirir ah in lagu tilmaamo aad iyo aad baan uga xumahay.”

 

Siyaasi Cali Maxamed Warrancadde waxa kale oo uu baaq u diray xisbiyada mucaaridka ah, waxaanu yidhi "Mucaaridka waxaan leeyahay walaalayaal dalka madaxweynaha ayaa xukuma, nabad-gelyadiisa iyo ammaankiisuna isaga ayuu dusha ka saaran yahay. Anigu waxaan ka shaqaynayay muddo 50 sannadood ah sida nabadda loo sugo, sida balaayada soo socota looga hortago, sida ninka wax maagan ee uurkiisu daban yahay loo ogaado uurkiisa, taasna waxaa lagu bixiyaa qiimo badan oo ay ka mid tahay naf huris in nabadda bulshada la ilaaliyo.

 

Ciidanka nabadda ilaaliya waxaa lagu tabobaraa in uu badbaadiyo nafta qofka shacabka ah oo tiisa huro, haddii naftiisa la soo weerarana uu is badbaadiyo. Mudaharaadyadu haday noqdaan kuwo hubaysan oo ay ka baxdo mudahaardka caalamka ka dhaca waxay keentaa masiibo iyo balaayo aan loo diyaar garoobin. Haddaba si aanay taasi u dhicin waxaan madaxda mucaaradka ugu baaqayaa oo aan leeyahay Madaxweynaha JSL waxa uu dhigay gogol wada-hadal waxaan ugu baaqayaa gogoashaa taalla in ay ku soo noqdaan oo ay soo fadhiistaan.”

 

Siyaasi Cali Maxamed Warrancadde waxa uu intaasi ku daray "Hargeya waa caasimadii qaranka, waxaana ku wada nool beelo walaalo ah oo aanay wax dhibaato ahi ka dhaxayn, uma baahinin in ummadda shaki la kala dhex dhigo, uma baahnin mudaharaad qabiilaysan iyo in la yidhaahdo beel baa soo duulaysa.”


Loading...
Loading...