Kenya Oo Sheegtay In Madaxwayne Xasan Sheekh Uu Ogolaaday In Qaadka La Geeyo Somaliya

0
Saturday June 11, 2022 - 08:58:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Sheegtay In Madaxwayne Xasan Sheekh Uu Ogolaaday In Qaadka La Geeyo Somaliya

    "Soomaaliya ayaan ilaa haatan ka hadlin heshiiskan ay dowladda Kenya shaacisay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Soomaaliya ayaan ilaa haatan ka hadlin heshiiskan ay dowladda Kenya shaacisay"

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalay inuu qaado xayiraadihii uu dalkiisa saaray qaadkii ka imaan jiray Kenya.



Waxaa sidaasi sheegay wasiirka beeraha Kenya Peter Munya oo saxaafadda la hadlay maanta oo Jimce ah.

Wuxuu sheegay in wadaxajoodyada arrintaa ku aaddan la soo afjaraya dhawaan, laba isbuuc kadibna la saxiixi doono heshiis rasmi ah.


Peter Munya ayaa uga mahadceliayay maxadweyne Kenyatta oo arrintan wadahadal kala yeeshay dhigiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.


Uhuru Kenyatta ayaa ka mid ahaa madaxweynayaashii ka qeybgalay xafladdii caleemasaarka ee Xasan Sheekh ee shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.


Dowladdii Farmaajo ayaa hakisay duulimaadyada qaadka ee Kenya sanadii 2020-ka sababa la xiriira xanuunka Covid-19, balse xayiraadaasi ayaan la qaadin iyadoo ay jireen khilaaf dhinaca diblomaasiyadda oo u dhexeeyay labada dal.


Munya ayaa ka dalbaday ganacsatda qaadka inay is diyaariyaan madamaa loo furi doono suuqa Soomaaliya. Kenya ayaa sheegtay in qaadka laga dhoofin doono magaalada Siyeelo oo ay u dhow yihiin beeraha qaadka lagu beero.


Wuxuu sheegay in Soomaaliya loo oggolaan doono in kalluunkeeda ay u suuqgeyso Kenya. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dal ku galka loo fududeeyn doono Soomaalida Imaneysa Kenya.


Qaadka oo markii hore laga dhoofin jiray garoonka Wilson ee magaalda Nairobi ayaa waxaa hadda ka dib laga dhoofin doonaa garoonka Isiolo oo u dhaw deegaannada uu ka baxa qaadka.

Soomaaliya ayaan ilaa haatan ka hadlin heshiiskan ay dowladda Kenya shaacisay.


Soomaaliya waa suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo qaadka Kenya iyadoo ugu yaraan 16 duullimaad oo sida qaad ay maalin kasta tagi jireen Soomaaliya ka hor xayiraadda.


Xayiraadda ayaa dharbaaxo ku noqotay ganacsiga qaadka Kenya oo ka soo kabanayay saamaayntii go'aankii ay dawaladda Britain uga mamanuucday in dalkeeda loo dhoofiye maadama ay qaadka u aqoosanatay in uu yahay muqaadaraad.

 

BBC

 

Loading...
Loading...