Abtigay Waabeeyo Ninka Xidhay Cirro-na Inuu Xidho Ha-sugiwaayin!.

0
Friday June 10, 2022 - 19:58:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abtigay Waabeeyo Ninka Xidhay Cirro-na Inuu Xidho Ha-sugiwaayin!.

    W/Q: Muniir Axmed Cigaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Muniir Axmed Cigaal.

Maxamed Xaji Yuusuf Axmed Cali, waa masuulka ugu xaruurisan Xisbigayga Waddani, Axsan rer magaal u fekera dhanka wanaaga iyo subanaanta. Isago 30-jir ka yar ayuu qabyaalada Soomaalida iyo Somaliland wareerisay iska nacay, aasaasayaashi  Xisbiga Kulmiye ayuu kamid aha, Xildhibaan Baarlamaan ayuu isu sharaxay 2005, Siciid Sulub iyo Cawil Cali Ducaale lug iyo farasba waxay u fuleen inuu UDUB iska sharaxo oo Kulmiye ka baxo, waxay u bandhigeen inay ka bixinayaan kharashka doorashada oo dhan ku baxaaya, Murashax kale oo barbar ordaayay oo degaankiisa ahna ay ka reebidonaan badalkeeda wuxuu ku adkaystay Xisbigiisi Kulmiye , Alle kuma qadine mid kamid ah Xildhibaanadi ugu caansana Golihi hore ayuu liiska sare ka galay, wuxuuna ka gaadhay Kulmiye madaxda ugu saraysa Guddoomiye ku-xigeen. "Wabeeyo waa shakhsi xarago badan, ka xaragooda wixii xun, dabeecad aan la saluugin iyo  saamaynba leh”.



Sidaa waxa goob fagaare ah ka yidhi 2006-dii Guddoomiyihii Kulmiye ee wakhtigaas Axmed Siilaanyo oo siyaasadda ku soo gacanqabtay. Anigu Wabeeyo rafiqiisa markii iigu horeaysay waxay ahayd 1996-kii Oodweyne oo aan ugu tagay, ilaa wakhtiga ilaa maanta wuxuu kamid yahay dadka iigu dhaw noloshayda dhanwalba, haddii qof in uun wanaag leeyahay Wabeeyo ayaa  leh.


Maanta Madaxweyne Muuse Biixi xadhiga uu xidhay Guddoomiye ku-xigeenkiisi ugu mudadda dheera Kulmiye, saxiibkiisi hore Ninku ogaa intuu tacab ku laha Kulmiyaha uu maanta Madaxweynaha ku yahay, waxa qudha ee xadhigiisu inabaraya waxa weeye  "Waddani ayaad tahay oo maanta anaa awood ciidan iyo xabsiyo haysta wixii hore waxba igama galin Waabeeyoy iyo inaad birmagaydo tahay, markay sidaa tahay cid kasta oo Xisbiga Waddani ahi yaanay qariibsan in Cabdiraxmaan Cirro, Gudd. Xirsi iyo xubin kastaba uu xabsi iyo xadhig kula dhiirandoono.  Midbaanse huba Alle ayaa la


hubaaye: Xadhig in aan lagu joojin karin doonista shacabka oo ah xoog aanay cidina xanibikarin. Iyadoo ergada  Salaadiintii Somaliland ugu qiimaha badnayd bulshadeena Mucaaridku aqblay markay hadleena Waabeeyo la xidhay waa fariincad oo Madaxweynaha ka timi oo ku socota mudanka iyo miida JSL, taas oo ah "Kuwa ergada hadda ahow xaggayga maya maya wax kasta maya, kuwa imandoonow


idinkuna ku quus-qaata. Waxayse ku uruuraysa siday wax u socdaan markaan si kasta u eegay tixda Abwaanki Wayna ee Hadraawi:


" ma Darmaanta booddee, didday baan u jeedaa?

ma Daliilka muuqdiyo, Dhamac hoos ka darartoo

is dallaallimaysiyo, Danbas baan aqaannaa?

halka 'DEYR" Wakhtigu dhigo, dib baa looga sheekayn Kaddaraa u Magac bixin ”.


Muniir Axmed Cigaal.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...