DAAWO: Musharax Ciro Oo Muuse Biixi Ku Eedeeyay Isku Day Dil

0
Thursday June 09, 2022 - 17:29:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4082
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO: Musharax Ciro Oo Muuse Biixi Ku Eedeeyay Isku Day Dil

    "balse waxaa igu ballan ah in aannaan kaga hadhin isku day-ga dilkaas"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"balse waxaa igu ballan ah in aannaan kaga hadhin isku day-ga dilkaas"

Hargaysa (HWN) Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa Muuse Biixi ku eedeeyay in uu isku day dil uu ula badheedhay.



Musharax Ciro ayaa intaasi ku daray in Qorshaha dilka isaga lala damacsanaa uu Muuse Biixi usoo dhiibay inan uu adeer uyahay sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay Cabdiraxmaan Ciro "Muuqaalkan waxa uu marag & markhaatiba u yahay in isku day dil maanta la iila badheedhay anniga iyo ilaaladeyda badhtanka Caasimadda Hargeysa, ayna caddahay in ay tahay shirqool ka yimid Muuse Biixi, fulintiisana uu u soo dhiibay inanka uu adeerka u yahay ee Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Birmadka- ku magacaaban, balse waxaa igu ballan ah in aannaan kaga hadhin isku day-ga dilkaas ee uu Muuse soo qorsheeyey, Khadar Laangadhe-na u soo dhiibay.


Arrintani waxa ay daaha ka qaadday xogaha aan haynnay ee tilmaamayey in Madaxda ugu sarreysa Mucaaradka dilal qorsheysan lala beegsan doonno Waa loo joogi arrintaasi halka ay Somaliland dhigto!"


HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Loading...
Loading...