Banaan-Baxa Sabtida Ee Mucaaridku Ku Baaqay. Xukuumada Maxaa La Gudboon ?

0
Thursday June 09, 2022 - 15:09:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Banaan-Baxa Sabtida Ee Mucaaridku Ku Baaqay. Xukuumada Maxaa La Gudboon ?

    Asalaamu Calaykum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum

Kol haddii Xisbiyada Mucaaridka ah ay ka go'an tahay in ay Sabtida banaanbaxayo samaynayaan, isla markaasna ay si cad taageerayaashooda ugu sheegeen inay Sabtida isugu soo baxaan gobolada iyo degmooyinka Dalka, waxaa Xukuumada la gudboon oo aan kula talinayaa qodobadan:



1. In Xukuumadu ay u fasaxdo una ogolaato inay Mucaaridku si nabadgelyo ah u qabsadaan banaan baxooda.


2. In Xukuumadu ay diyaariso goobo cayiman oo ka durugsan suuqyada iyo xarumaha dawlada oo ammaankooda la sugi karo oo ay mucaaridku ku qabsadaan banaan baxooda.


3. Beerta Xorriyada, Khayriyooyinka, garoomada kubada iyo meelaha ka baxsan magaalada gudaheeda ayaa ka mid ah meelaha loo diyaarin karo.


4. Ciidanka Booliska oo laga mamnuuco inay rasaas nool ama jirdil u adeegsadaan Muwaadiniinta sida salmiga ah u banaan baxaya, Askarigii xad gudbayna degdeg sharciga loo hor keeno, sida askarigii maanta gacan qaadka u geystay qofka dumarka ah.


5. Xisbiyada Mucaaridka ah waxaa iyagana ku waajib ah inay taageerayaashooda ku wacyi geliyaan inay Booliska la shaqeeyaan oo ay si nabadgelyo ku jirto u banaan baxaan.

Mahadsanidin

 

W/Q: Kaysar Maxamed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...