Sargaal Boolisa Oo Sinaxariisdaran Laag Dhulka Ugu Tuuray Haweenay

0
Thursday June 09, 2022 - 11:54:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sargaal Boolisa Oo Sinaxariisdaran Laag Dhulka Ugu Tuuray Haweenay

    Dad goob joogayaala ayaa sheegay in gabadha Askarigu laagay ay tahay beesha Garxajis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad goob joogayaala ayaa sheegay in gabadha Askarigu laagay ay tahay beesha Garxajis

Hargaysa (HWN) Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland ayaa si arxan daran laag dhulka ugu tuuray haweenay kamid ahayd dadka ka qayb galay banaan baxa maanta ka dhacay Magaalada Hargaysa.



Askarigan ayay kamaraduhu qabteen isagoo sixoog ah ulaagaya gabadha isla markaasna gabadhu ay dhulka ku dhacayso.


Dad goob joogayaala ayaa sheegay in gabadha Askarigu laagay ay tahay gabadh ka soo jeeda beesha Garxajis, taasi oo dadku ku doodayaan in sigaar ah ciidanku u bartilmaameedsanayo dadka ka soo jeeda Beesha Garxajis.


Dhacdadan ayaa shacabka xasuusinaysa waxyaabihii Somaliland kula dagaalantay Dawladii Siyaad Barre.

Loading...
Loading...