QOR BUUG! Qalin-Maal Madax-bannaan

0
Thursday June 09, 2022 - 10:05:36 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QOR BUUG! Qalin-Maal Madax-bannaan

    Qoraayada kale la saaxiib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraayada kale la saaxiib


Qoridda buug waxa ay marka hore u muuqataa arrin aad u adag. Billowga waa arrin laga baqo! Balse sidaa ma ahan. Nasiib wanaag, waxaa jiro qaabab badan oo fudud oo loo qoro buug.Talooyiinkan 10-ka ah ee qoridda buug waxa ay kaa caawinayaan in aad diiradda saarto waxa aad dooneyso in aad uga hadasho buuggaaga, iyo in aad si wanaagsan u qorto.



1. Qabso wakhtiga aad ku dhammeyneyso, iyo ujeedadaada qoraalka
Marka aadan sameysan wakhti rasmi ah oo aad dooneyso in aad ku dhameyso qoraalka buugga, waxaa kugu adkaanaya in aad dhammeystirto.


Hadda waa sababta ay xeerka koobaad u tahay in aad la timaado qorshaha wakhtiga kama dambeysta ah iyo ujeedada qoraalka.

Inta badan buugaagta waa 50,000 illaa 100,000 oo weedh, waxaana fudud in ereyo lagu daro, halkii laga saari lahaa.

Waxaa wanaagsan in qoraalka koobaad aad yoolkaaga ka dhigto illaa 75,000 oo erey.
Tusaale ahaan, waxaad sameysan kartaa qorshe ah inta erey ee maalintii aad qori karto – Haddii ay tahay 2,500 illaa 4,000, haddaba waxaad bilk u qori kartaa 75,000 oo erey. Sidaas ayaana qorshaha iyo wakhtiga ugu dambeeyo ku heli kartaa.

In aad wakhtiga ugu dambeeyo ee qoraalka aad dhammeyneyso ogtahay, waxay kaa caawineysaa in aadan ka caajisin.

2. Is diyaari ka hor inta aadan qoraalka billaabin
Waxaa jiro qoraayo badan oo inta kombuyuutar iska dul fadhiistaan, iska qora wixii niyaddooda ku jira – iyagoo aan is diyaarinin. Taas waxay adkeyneysaa in sheekada ay mid isku xiran oo isla socota noqoto, ama warkii ayaaba ka dhammaan kara.


In aad diyaarsato mowduucyada aasaasiga ah, qoraallo kooban, maskax ahaan, fikradaha aad ka hadli rabto iyo wax kasta oo aad u baahan doonto, meel isugu geey oo qor. Ka dib waxaa kuu fududaaneysa in aad dhameystirto sheeko isku xiran.

Waxaa kale oo muhiim ah in aad sii diyaariso qaabka ay mowduucyada u kala hormarayaan. Inta cutub ama jus ee aad qoreyso, si aad oga fogaato in aad ku soo darto wax aan muhiim ahayn.

Sidoo kale, waxaa muhiim ah in aad sameyso baaritaan guud oo la xiriira waxa uu buuggaaga ku saabsanaan doono. Akhri buugaagta la mid ah ee horey loo qoray, wareyso dadka aad dooneyso in ay sheekada qeyb ka noqdaan. Raadi dad haya xog la xiriirta muwduucyada aad ka hadleyso.

3. Aqoon u yeello dadka ay sheekada ku saleysan tahay – xitaa haddii mala-awaal ay tahay
Aqoonta wanaagsan ee aad u leedahay magacyada sheekadaada qeybta ka ah, waxay kaa caawineysaa in sheekada ay noqoto mid isku xiran. Haddaba, xitaa haddii mala-awaal ay yihiin, iska dhig sida qof saaxiib dhow la ah, ka dib sidaa ku baro waxa ay yihiin.

Taas micneheedu ma ahan in aad qoreyso wax kasta oo ku saabsan magacyadaas, balse waa in aad aqoon u leedahay dhammaan noloshooda, si fikirka buugga uu u noqdo mid wanaagsan.
4. Adeegso qalabka ugu wanaagsan, marka aad buug qoreyso


Laptop ama kumbuyuutar wanaagsan oo software-rada ugu fiican ay ku jiraan waa muhiim xilligan casriga ah.Barnaamijyada caadiga ah ee Microsoft, qaar ka mid ah, waxay leeyihiin jahwareer iyo caqabado badan. Inta badan dadka buugaagta qora waxay adeegsadaan barnaamijyo u gaar ah qoraayada.


Waxaa jiro barnaamijyo iyo qalab badan oo si fudud kaaga caawinaya in aad buug qorto. Muhiimadda waxay tahay in waxkasta oo aad adeegsaneyso ay noqdaan kuwo aad u wanaagsan, la isku halleyn karo oo ballaadhan.

Sidoo kale, waa in aad haysato meel deggan oo aad wax ku qori karto, iyo kursi wanaagsan oo aad ku fadhin karto illaa dhowr saacadood.

5. Sameyso wakhti u go’an qoridda buugga!
Ma heli doontid xilliga ku wanaagsan qoridda buug. Haddii aad sugto sidii aad wakhtigaa u heli lahaydna waxay kugu noqon kartaa sanado. Haddana raadi wax ku dhiiragelinya iyo wakhtiga adiga kuu wanaagsan ee maalin kasta.

Waxaad qabsataa xilliga kugu fiican maalinta ee meel deggan aad heli karto. Isku day in aad Internet-ka iska xirto, naftaadana ku qasabto in aad buugga qorto.

In aad yeelato xilli maalinle- ah oo gaar ah, waxay kuu fududeyneysaa in buugga aad qorto.
6. Marka hore qor oo keli ah, dib ayaad ka sixi doontaayee

Mid ka mid ah qaladaadka ugu waaweyn ee qoraayada qaar ay sameeyaan waa in ay sixidda ku mashquulaan iyagoon weli qoraalka dhammeynin.

Haddaba ma wanaagsana in qoraal qabyo ad aad isku deydo in aad ka dhigto mid wanaagsan. Marka hore wada qor dhammaan.

Sidoo kale, ku dadaal in qoraalkaaga uu horey u socdo – micnaha wuxuu yahay in aadan gadaal u noqonin oo aadan ku mashquulin in aad akhriso wixii aad soo qortay.

7. Si degdeg oo boobsiin ah u qor – marka hore

Haddii aad dejisatay wakhtiga ugu dambeeya ee aad dooneyso in aad dhammeyso , haddaba si aad ujeedadaa ugu guuleysato, si degdeg ah u qor. Taas waxay kaa celineysaa in aad ka niyad jabto wixii aad soo qortay, ama aad ka caajisto.

SIdoo kale qoraalka boobsiiska ah wuxuu kaa caawinayaa in marka hore aad qorto wixii niyaddaada ku jira ee sheekada la xiriira. Muhiimaddu waa in ereyada oo dhan aad qortaa.

8. Qoraayada kale la saaxiib

Inta aad qoraalka waddo, haddii keligaa aad noqoto, waad caajiseysaa. Haddaba ku biir dadka kale ee qoraayada ah iyo ururradooda, taas waxaad ka heleysaa taageero aad u badan.
Waxaad heleysaa fursad aad khubaro su’aalo ku waydiiso, naftaada kula xisaabtanto. Sidoo kale waxaad heleysaa talooyiin ku sii dhiirageliya.

9. Qaado wakhtiyo nasasho oo hal-abuurkaada xoojiya

Qoraalka waa hannaan hal-abuur – haddaba in aa waxdhan meel fadhido wakhti badan, waxaad ka qaadeysaa caajis iyo in jirkaaga uu awooddi waayo hal-abuurka.

Haddaba, qaado wakhtiyo nasasho oo wax kale aad sameyneyso – sida socod gaaban, sheeko yar, in aad goobaha sport-ka aado, ama in aad beer nasasho aado.In aad bannaanka u baxdo oo wax kale soo sameyso, waxay kaa caawineysaa in aad dib u soo xoogeysato, caajiskana kaa baxdo – qoraalka ayaana kuu sii fududaanaya.

10. Weligaa ha quusanin, hana niyad jabin!

Marar badan, waxaad dareemi doontaa in aad iska dayso qoraalka. Balse joogteynta iyo go’aan adeyga iyo dadaalka, waxay muhiim u yihiin dhammeystirka qoraalka.

Ha quusanin, yoolkaadana gaar, wax kasta oo ay kugu qaadato. WAAD DHAMMEYN KARTAA!
Marka aad dhammeyso qoraalka, waxaad billaabeysaa barashada sida loo daabaco. Markaasna, dadka qarash la’aan ayey la niyad jabaan – haddaba weligaa haka quusanin in buuggaaga uu suuqa soo galo. Ku dadaal illaa meesha ugu dambeysa.

Dhammaad







- Qalinkii: Keyd Xasan Daahir

- Qalin-Maal Madax-bannaan
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...