"Maayar Ku Xigeenka Hargeisa Dagaal Midgood Ayuu Nalagalay" Boqor Axmed

0
Wednesday June 08, 2022 - 15:00:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maayar Ku Xigeenka Hargeisa Dagaal Midgood Ayuu Nalagalay" Boqor Axmed

    "maayarka iyo xoghayaha guud iyaga waan soo dhawaynaynaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"maayarka iyo xoghayaha guud iyaga waan soo dhawaynaynaa"

Hargaysa (HWN) Boqor Axmed Iiman Warsame Oo Ah Boqorka Beesha Gabooye ayaa sheegay in Maayar ku xigeenka Degmada Hargaysi uu dagaal lagalay isal markaana ay iyaguna dagaal lageli doonaan  "Maayar ku xigeenka hargeisa dagaal midgood ayuu nalagalay anaguna dagaalkaas baanu lagalaynaaye yaanay la xumaan.

 

Fidnada iyo dhibta ka timaada Munaafaqada uu maayar kuxigeenka hargeisa ka wado xaafada Daami isagaa ka masuul ah, hadaanu xabad isla dhacno iyo hadaanu kurka iska goyno isagaa ka masuul ah” ayuu yidhi.

 

Boqorka oo hadalka siiwata ayaa intaasi raaciyay "Maayar kuxigeenka waxaan leeyahay $20,000 ee dollar ee cashuurtayada ah ee dawlada hoose ku dartay dhismaha xanaanada adiguna aad moodayso in aad Daami ku iibsatay barito ayaan xafiiskaaga kuugu keenayaaye yaanan kaa waayin, maanta laga bilaabana xaafadayada ma soo gali kartid, maayarka iyo xoghayaha guud iyaga waan soo dhawaynaynaa waanay noo iman karaan oo iyagu xataa xadhiga way nooga jari karaan xanaanada”.


Loading...
Loading...